XOG: Shirqool lagu iibinayo 5,000 oo dhallinyaro SOMALI ah oo socda (Wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta oo XAMAR tagaya maanta)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan ayaa lagu wadaa inuu maanta booqasho ku tago magaalada Muqdisho, xilli uu jiro shirqool halis ah oo dhallinyarada Soomaaliyeed loo maleegay.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in socdaalka Abdullah uu qeyb ka yahay dadaal saddex geesood ah oo ay wadaan dalalka Imaaraadka, Qatar iyo Saudi Arabia.

Sida qorshaha uu yahay, waxaa madaxweyne Xasan Sheekh laga saxiixi doonaa in si rasmi ah uu dalalka khaliijka ugu fasaxo isticmaalka hawada Soomaaliya oo looga duuli doono kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

Heshiiskan ayaa dalalka khaliijka u ogolaan doona inay dagaalyahanno Soomaali ah ka daabulaan Soomaaliya, ayada oo lagu daadin doono Yemen, si ay ula dagaalamaan kooxda Xuutiyiinta.

Xog xasasi ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in deegaano ka tirsan Jubbooyinka laga billaabay tababarka dagaalyahannadaasi, oo tiro ahaan gaaraya 5 kun.

Waxa ay xogta sheegeysaa in hubkii faraha badnaa iyo baabuurtii dagaal ee dhowaan Imaaraadka uu siiyey maamulka Axmed Madoobel loogu tala-galay dagaalyahannadaas Soomaalida ah oo loo diyaarinayo inay la dagaalamaan Xuutiyiinta.

Sidoo kale hub iyo baabuur badan ayaa waxaa dhowaan la siin doonaa Shariif Xasan Sheekh Aadan, si uu isna qeyb uga noqdo qorshahan qarsoodiga ah, oo diyaarinta dagaal-yahanno uu uga billaabo gobollada Bay iyo Bakool.

Shariif Xasan, Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh, ayaa mallaayiin dollar ka qaadanaya khaliijka si ay qorshahan u fududeeyaan, halka dhallinyarada dagaalameysana loo qoray mushahar caqli ka bax ah.

Isbitaalkii dhowaan lasoo geba gebeeyey ee Imaaraadka uu ka dhisay Muqdisho ayaa noqon doona goob lagu daweeyo dagaal-yahannada halkaas kusoo dhaawacma, sida xogta Caasimada Online ay leedahay.

Saddexda dal ee Saudi Arabia, Imaaraadka iyo Qatar, ayaa qorshahan soo hindisay, ayaga oo diidan in dhiigga askartooda uu ku daato Yemen, halkaas oo xuutiyiinta ay taageero xoog leh ka helayaan Iiraan.

“Dalalkan waxa ay ku fakareen ayaga oo heli kara Soomaali baahan oo u dagaalanta, lacag bandanna ay haystaan inaysan jirin sabab ay dhiiga askartooda ku daadiyaan” ayuu yiri Prof. Cabdi Idiris, oo ah aqoonyahan ku sugan Muqdisho, oo aan arrintan wax ka weydiinay.

“Waxaa ayaan darro ah hoggaamiyayaasha Soomaalida ee lacagta qaatay, ee arrintan wax ka wada” ayuu sii raaciyey.

Dalalka Khaliijka oo weerar cirka ah muddo ku waday Yemen, ayaa ku guul darreystay inay joojiyaan siqitaanka Xuutiyiinta, waxaana hadda ay u baahan yahiin dagaal-yahanno dhulka ka dagaalanta, taasi oo qorshahan soo dedejisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com