XOG: AXMED Madoobe oo amar ku bixiyay arrin khatar ah (DFS oo la yaaban go’aankan cusub) !!!

Kismaayo (Caasimada Online) – War kasoo baxay Xafiiska Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa amar lagu siiyay Saraakiisha Ciidamada Maamulka inay jeelka dhigaan Mas’uulkii ka tirsan DF oo muddo 24 saac gudaheeda uga bixi waayo Magaalada Kismaayo iyo Deegaanada kale ee hoostaga Maamulka.

fariinta oo ku soctay Saraakiisha ayaa waxaa lagu faray inay amar u qabaan in waajibaadkooda ay ka gutaan Xubnaha Dowlada ka tirsan ee socdaalka shaqo ku jooga Kismaayo, mas’uuliyadii ka imaadana uu isaga qaadi doono.

Sidoo kale, Gudiyada Maamulka ugu magacaaban diiwaan galinta Ciidamada isku dhafka ayaa iyaguna loogu baaqay inay hakiyaan diiwaan galinta Ciidamada islamarkaana ciidamada la xareeyay dib loogu celsho xarumaha ay ka howlgali jireen diiwaan galinta ka hor.

Go’aankaani ayaa muujinaayo in caqabad hor leh uu ka dhex abuurmi doono DF Somalia iyo Maamulka Jubba oo laga hor istaagay hamigii ahaa dhameystirka Golayaasha Maamulka.

DF Somalia ayaan ilaa iyo iminka aanbka hadal ficilada ka dhashay go’aanka BF uu ku kala diray Xubnaha ka tirsan Baarlamaanka Jubba iyo qaraarka kasoo baxay Maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com