Safiirka Somalia ee Kenya oo dhar cajiib u xirtay kullankii uu Uhurru kaga gudoomay warqadaha

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Somalia ay u magacaawday dalka Kenya.

Safiirka cusub ee Somalia dalka Kenya Jamaal Maxamed Hassan ayaa isaga oo xiran dharka Hidaha iyo Dhaqanka, wuxuu tagay Madaxtooyada dalka Kenya oo warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Kenya.

Sawiro laga soo qaaday Safiirka ayaa muujinaya isaga oo xiran Dharka Hidaha iyo Dhaqanka, wuxuuna warqadaha ku wareejiyay Madaxweynaha dalka Kenya.

Dowladda Somalia ayaa Safiirka cusub ee dalka Somalia u fadhin doona dalka Kenya magacaawday bilo ka hor, iyadoo Safiirka uu dhawaan tagay Magaalada Nairobi si shaqadiisa uu halkaasi uga bilaabo.

Safaarada Somalia ee dalka Kenya ayaa lagu xasuustaa Amb. Maxamed Cali Ameeriko oo waxqabad muuqda ka sameeyay intii uu xilka haayay Soomaali badan oo dhibaateysana caawiyay.

Safiirka cusub ee dalka Somalia u fadhiya dalka Kenya ayaa looga fadhiyaa inuu la yimaado wax qabad muuqda.

jamaal 1jamaal 2jamaal 3jamaal 4