QM oo shaacisay laaluushkii ay bixisay Soma Oil and Gas iyo magacyada madaxda DFS ee qaatay

Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin ay daabacday Wakaalada Reuters, ayaa lagu xaqiijiyay in Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Somalia ay dhaqaale adag ka qaaten Shirkada shidaalka Soma Oil and Gas.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in shirkada masuuliyiin dowlada katirsan ay siisay lacag dhan $600,000 (£384,936.16), taasi oo ay shirkadu ku dalbaneysay in laga qafiifiyo cabashooyinka ay ka tabanayeen Dowlada.

Wakaalada oo xiganeysay Khubaro ka tirsan QM, ayaa sheegtay in Mas’uuliyiintaasi ay ka tirsan yihiin Wasaarada bartoolka iyo macdanta dowlada Somalia, iyadoona dhaqaalahaasi ay ku dhacday jeebka Mas’uuliyiintaasi.

Ujeedka dhaqaalahaasi ayaa lagu sheegay inay tahay si shirkadu ay u ilaalsato una kobciso barnaamijkeeda tamarta oo ay qandaraas kala gashay Dowlada Somalia sanadkii 2013, waana tan soo dadajisay in Musuq-maasuq lagu eedeeyo shirkada.

Warbixinta ayaa muujineysa in $495,000 ay shirkadu siisay qareen lataliye u ahaa Wasaarada Bartoolka iyo Macdanta Dowlada Somalia, waxaana lagu cadeeyay qoraalka in Mas’uulkaasi uu dhax-dhaxaadiye ka ahaa heshiiska shirkadan reer Britain iyo wasaaradu ay wada galeen.

Baaritaanka ayaa lagu sheegay inuu ka danbeeyay kadib markii ay korortay eedeeymaha loo jeedinaayo shirkada Soma Oil and Gas, waxa ayna QM qeexday in Musuq-maasuqa la xiriirta bixinta dhaqaalahaasi loo haayo cadeymo farabadan.

Xafiiska ladagaalanka musuqa ee wadanka Britain ee SFO, ayaa qoraal ku cadeeyay in baaritaanka uu asalkiisu ahaa mid u socday si hoose, kadibna ay heleen cadeymo leysu haleynkaro oo muujinaayo heerka uu gaarsiisan yahay Musuq-maasuqa dhexmaray Dowlada Somalia iyo Soma Oil and Gas.

Soma Oil and Gas, ayaa ku adkeysaneysa in baaritaankaasi uu yahay mid aan xaqiiqo aheyn, waxa ayna shirkadu ku doodeysaa in qandaraaska uu yahay mid ay bixisay Dowlada Somalia, islamarkaana uusan ka imaan doonin wax khilaaf ah, waa hadii meesha laga saaro eedeymaha loo jeedinaayo.

Wakaaladu waxa ay qoraalkeeda ku cadeysay in Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta Dowlada Somalia, ay la sameeyen xiriir si looga salgaaro arrinta muranka badan dhalisay, hayeeshee uu Wasiirku diiday inuu wakaalada Reuters kala hadlo eedeyntan ku aadan Heshiiska isku bedelay musuq-maasuqa.

Lacagaha laaluushka oo ay bixisay Shirkada ayaa wada qeybsaday Mas’uuliyiin tiradooda lagu sheegay ilaa Lix kuwaasi oo kala bartay dhaqaalahaasi waxaana Mas’uuliyiintaasi kamid ahaa Agaasimaha guud ee Wasaarada Batroolka iyo Macdanta dowlada Somalia Faarax Cabdi Xasan iyo ku-xigeenkiisa oo lagu magacaabo Jabriil Maxamuud Geedo.

Wakaaladu waxa ay sidoo kale qoraalka ku qeexday in labadaasi Mas’uul ay la sameysay xiriir si wax looga weydiiyo arrinta Musuqa ee lagu eedeynaayo, balse ay ka gaabsadeen inay turxan bixiyaan eeda loo jeediyay.

Geesta kale, QM oo iminka heshay cadeeymaha ka turjumaaya xaqiiqda jirto, ayaa wado qorsho lagu xoojinaayo baaritaanada, waxa ayna sanadii 2013 ku baaqday hakinta heshiisyada dhexmaray Dowlada Somalia iyo Shirkada, hayeeshee waxa ay ka baqaneysay ay iminka soo ifbaxayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com