Beesha caalamka oo soo saartay warbixin qalqal galisay madaxweyne Xasan Sheekh & xulafadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, ayaa si wada jir ah uso saaray Warsaxaafadeed ay uga hadlayaan natiijada Caalamku ay ka filanayaan Soomaaliya, marka laga hadlayo arrimaha doorashooyinka 2016-ka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Beesha Calamku ay garwaaqsan tahay inaysan sina u jiri doonin wax muddo korin ah oo loo sameeyo Dawlada Federaalka,loona baahan yahay in doorashaddu ay waqtigeeda dhacdo.

‘’Waxaan garwaaqsannahay muhiimadda ay leeyihiin qodabada ku jira Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232 (2015) kana hadlaya muhiimada ay leedahay inaan la kordhin waqtiga uu dastuurku siinaayo hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta’’Ayaa lagu yiri Warsxaafadeedka. Beesha Caalamka ayaa sheegay inay ogsoon yihiin inaysan doorasho Qof iyo Cod ah aysan ka dhici karin Soomaaliya,hasa yeeshe ay u baahan yihiin in la helo hannaan doorasho oo ka Miisaan wayn midi dhacday sanadkii 2016-ka,isla markaana ay ka wada tashteen Dawlada Federaalka iyo Maamulada Xubnaha ka ah.

‘’Waxaa hadda si dhakhso leh loo doonayaa aana soo dhoweynaynaa ballanqaadkii la sameeyay ee ahaa in ugu dambayn 15-ka Agosto lasoo gabagabeeyo qorshe hawleed tafaftiran kuna aaddan sidi wadatashi heer qaran ah looga samayn lahaa geedi-socodka doorashada 2016. (Faahfaahinta geedi-socodka aan ka hadlayno) waa inuu ahaadaa mid ku qotoma aragtiyada dhamaan dadka ay arrimuhu khuseeyaan, gaar ahaan Baarlamaanka Federaalka iyo Mas’uuliyiinta dhamaan maamul goboleedyada. waxaan ku guubaabinaynaa dhamaan dhinacyada arrintu khusayso inay si dhab ah oo degdeg ah usoo gabagabeeyaan shaqadaan kadibna ay kaalin buuxda ka qaataan habka wadatashiga qaranka’’Ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale Warsaxaafadeedkooda ku sheegay inay si dhow ula socon doonto hadba sida ay wax u socdaan,ayna taageerayaan in doorasho ay ka dhacdo dalka sanadka 2016-ka. Muhiimada Warsaxaafadeedka ayaa ah inaysan Beesha Caalmku ogolaanayn wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo Dawlada Federaalka, ayna doonayaan inay dhacdo Doorasho laga wada tashtay oo ay u dhan yihiin Dawlada Soomaaliya iyo Maamulada Xubnaha ka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com