AXMED DIIRIYE oo si carro leh uga hadlay falkii AMISOM, kuna baaqay inay dalka isaga baxaan!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Axmed Diiriye, oo kamid ah golaha odayaasha dhaqanka Hawiye ayaa ka hadlay dilalka soo laalaabtay ee ciidamada AMISOM u geysanayaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Nabadoonka oo u muuqday inuu ka carooday falalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Marko ayaa sheegay in ciidamada AMISOM loo keenay dalka Soomaaliya iney nabad dhaliyaan oo aan loo keenin iney colaad iyo dilal arxan daro u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Axmed Diiriye Cali, ayaa sheegay in wax laga damqado tahay qeylo dhaanta mar walbaa kasoo yeerta shacabka ku nool magalaada Marko, isagoo AMISOM ka dalbaday iney joojiso falalka ay ka geysaneyso magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in ciidamada looga baahan yahay iney ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen haddii nabad aysan ka dhigi karin dalka Soomaaliya, halkii ay sharaf dil ku sameyn lahaayeen dalalka ay ka yimaadeen ee qeybta ka ah midowga Africa.

Dilalkii kala duwanaa ee ka dhacay magaalada Marko ayaa sababay barakac cusub oo ay sameeyeen qaar kamid ah shacabka ku sugan magalaada sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com