Sawirro: Obama oo la kulmay dhalinyaro Somali

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa khudbad u jeediyay in kabadan 500 oo dhalinyaro ah oo ka kala yimid waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Qaaradda Africa.

Khudbada Madaxweynaha ayaa inta badan khuseysay Qaarada madow ee Africa waxaana dadka xaadiray ay ahaayen badankooda Africaan markii laga reebo Weriyayaal cadaan ah oo goobta xaadir ku ahaa. Kulanka ayaa ahaa mid loogu tallo galay dhalinyarada Africa waxaana qeyb ka ahaa dhalinyaro farabadan oo asalkooda Soomaali ah.

Waxa uu khudbadiisa diirada ku saaray hanaanka Qaarada Africa ay kaga gudbi laheyd burburka iyo dhibaatooyinka waxa uuna dhankiisa rajo wanaagsan ka muujiyay inuu waxbadan ka bedeli doono, islamarkaana inta uu xilka hayo waxbadan u qaban doono Afrikaanka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10