Gudiga doorashada Jubaland oo la magacaabay

Kismaayo (Caasimada Online) – Xubnaha baarlamaanka maamulka Jubba ayaa ansixiyay gudiga doorashada maamulka jubba oo dhawaan la filayo iney ka dhacdo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Xubnaha ayaa waxay ka kooban yihiin sideed ruux oo mid kamid ah ay tahay haweenay, taasi oo gudoomiye looga dhigay gudiga doorashada oo laga soo xulay baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Xunaha baarlamaanka ee wax ansixiyay ayaa dhankooda waxay yihiin xildhibaan sharci daro ku dhisan , maadaama codka kalsoonida sharci ahaanshahooda ay ka waayeen baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Gudiga doorashada ee maanta lagu ansixiyay magaalada Kismaayo ayaa waxay ka shaqeyn doonaan sidii doorasho ay kaga dhici laheyd magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhanka kale Sheikh Cabdi Maxamed, gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubba ayaa maanta si cad u sheegay in 51 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaankooda ay diideen dalabkii kasoo yeeray Axmed Madoobe ee ahaa in waqti dheer ah loogu daro xiliga doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com