FAADUMA INSAANIYA oo xil culus loo dhiibay..!!

Muqdisho(Caasimada Online) – Wakiilka joogta cusub ee Soomaaliya u matalayeso xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva Faadumo Cabdulaahi Maxamuud “Insaaniya” ayaa waraaqaheeda aqoonsiga ku wareejisay Michael Moller oo ah agaasimaha guud ee xafiiska QM ee magaalada Geneva.

Faadumo Cabdulaahi, ayaa kasoo shaqeysay xafiiska wasaarada arimaha dibada iyo maalgashiga tan iyo sanadkii 2013, waxayna kamid aheyd xildhibaanada baarlamaanka Soomaaaliya iyadoo kamid ah gudiga qorsheynta caalamiga ee baarlamaaanka.

Intii u dhaxeysay 2004 ilaa 2008 Faadumo waxay aheyd la taliye ka tirsan yahada horumarinta mashaariicda QM ee UNDP iyo xafiiska QM ee adeegyada mashaariicda kala duwan.

Sanadihii 2003 ilaa 2004 waxay kamid ahaa wafuudii ka qeyb gashay shirkii dib u hishiisiinta qaranka Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya,waxayna kasoo shaqeysay hayado badan oo QM ka tirsan.

Faadumo ayaa noqoneyso wakiilka joogta Soomaaliya ee xafiiska QM ee magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com