26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Safiirka SOMALIA ee Emirate-ka oo sir kashifay “Ciidan loo diraa Yemen iyo Lacagta mooshinka”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Somalia u fadhiya dalka Emirate-ka Carabta Mohamed Ali Osman ayaa Xildhibaano uu Nairobi kula kulmay u xaqiijiyay in todobaadkaan Muqdisho laga qaadi doono Ciidamo tababar uga socday Xeradda Agoonta kuwaas oo si toosa loo geeyn doono Dalka Yemen.

Safiirka wuxuu tibaaxay in Ciidanka Somalida ee Muqdisho laga qaadaayo tiro ahaan dhan yihiin seddex boqol Askari kuwaas oo boqol ka mida laga keenay Galmudug.

“Madaxweyne Xasan waan ku qanciyay in Ciidanka koowaad loo diro Yemen ,isagana waxaan uga dhameeyay Dowladda Emirate-ka Carabta iney siiso lacag uu isku difaaco si mooshinka looga soo horjeedo loo wiiqo”ayuu yiri Safiirka Somalia u fadhiya Emirate-ka.

Emirate-ka Carabta ma waxeey Somalia u taqaan dal Islaama mise calooshood u shaqeeystayaal ay askartooda debka geliyaan si loo ciribtiro.

Sikastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay u dhoofat Emirate-ka Carabta si uu lacagta mooshinka uga doonto.

- Advertisement -

Read more

Local News