UK oo hadashay falalka AMISOM ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Mr Matthew Rycrift oo ah Wakiilka Dowlada Britain u qaabilsan dhinaca Golaha Ammaanka QM ayaa arrin fool xun ku sheegay dhacdooyinkii dhawaan Ciidamada AMISOM ka geysteen Magaallo madaxda Gobalka Sh/hoose ee Marka.

Danjiraha waxa uu sheegay inay sheeda kala socdaan dhacdooyinka ka dhaca dalka Somalia, waxa uuna sheegay in falkii ay AMISOM ka geysteen Magaalada Marko uu yahay mid xanuun jiyay Dowlada Britain iyo QM.

Waxa uu tilmaamay in Ururka Midowga Africa ay garwaaqsadeen inuu qalad ahaa weerarkii ay Ciidanka AMISOM ku dileen dhowr qof oo ku sugnaa Xaflad Aroos balse ay uur ku taallo ku noqon doonto Shacabka ku dhaqan Magaalada Marko, sida uu hadalka u dhigay.

Mr Matthew Rycrift ayaa hadalkaasi sheegay xilli uu wareysi siinaayay Wargeyska Inner City Press ee dabagalka ku sameeya Dhacdooyinka Caalamiga, wuxuuna tilmaamay in falkaasi ahaa mid aad khatar u ah, islamarkaana ay mudan tahay in Midowga Afrika ay ka bixiyeen raalli gelin iyo inay baarayaan dilkaasi.

Nuqul kamid ahaa wareysiga Mr Matthew Rycrift ayaa u dhacay “Midowga Afrika waxaa haatan looga baahan yahay Xisaabtan, loona baahan yahay inuusan shilkaasi oo kale dhicin, lana xaqiijiyo ammaanka dadka rayidka”

Dhinaca kale, Mr Matthew Rycrift, ayaa tilmaamay in Dowladda Britain ay horey u qaadayso wada-tashi lala yeesho Midowga Afrika, iyo in si degdeg ah loo asaaso Unug u xil-saaran Ammaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@ive.com