Mala aamini karaa siyaasiyiinta SOOMAALIDA.!!

Qormadan, Waxa aan kaga hadlaynaa siyaasiyiinta Soomaalida oo waayadan lagu arkay dhaqamo aan horay loogu arag siyaasiyiintii hore ee Soomaaliyeed, iyo waliba siyaasiyiinta Caalamka aan ku noolnahay. Nimankan aan ka waramayo ee Soomaalida ah, ayaa waxa ay dadaal dheer u galaan sidii ay u qaban lahaayeen xilal qaran sida madaxweyne, ra’isulwasaare, wasiir iyo waliba noqoshada xubin baarlamaan oo ay mararka qaar u maraan bixinta laaluush iyo qabyaalad.

Siyaasiyiintan, ayaa sameeya balanqaadyo badan, gaar ahaan marka ay doonayaa qabashada xil qaran. Waxa ay sidoo kale warbaahinta ka sheegaan hadalo qurux badan oo ay u riyaaqeyso dhegta qofka Soomaaliga ah, sida in la yiraahdo waxaa la dhisayaa dowlad Soomaaliyeed oo wanaagsan, Waxaa la dhisayaa ciidamo qaran oo difaaca dalka, Waxaa la qabanayaa doorashooyin qof iyo codkiisa ah, iyo waliba waxyaabo kale oo aad u badan.

Hadaba siyaasiyiinta Soomaalidu ma yihiin kuwa la aamini kara, Waxse ma ka fahamsan yihiin waxyaabaha ay balanqaadayaan ee la xariira dowladnimada iyo dhaqankeeda ?  Jawaabta oo kooban waa maya, Bal in la aamino iskadaayee xittaa ma’ahan kuwa la rumeysan karo marka ay hadlayaan, maxaa yeelay waa kuwa aanan fulinin balamaha ay qaadaan, Sidoo kalena aanan ka xishoonin beenta iyo jahawareerinta shacabkooda. Dhanka wax ka ka fahamsan yihiin dowladnimo iyo dhaqankeeda, Jawaabtu waxan leenahay maya mar kale, Anagoo faahfaahin doona waxa aan sidaasi u leenahay.

Sida aan tilmaanayba, Siyaasiyiinta Soomaalidu ma’ahan kuwo la aamini kara marka laga reebo tiro aad u yar, waayo waa kuwa aanan fulinin balanqaadyada ay sameeyaan, iyo waliba waxa ay umadda u sheegaan. Tusaale ahaan, bal soo qaado kuwa maanta horboodayo maamulada ka jira dalka, sida Dowladda Federaalka iyo waliba maamul beeleedyada ay ka midka yihiin Somaliland, Buntland, Koonfur Galbeed, Jubba iyo waliba maamulka Galmudug ee sharcidarada ah.

Bal aan ku bilowno kuwa majaraha u hayo maamulka Somaliland ee fisqiga badan. Kuwaasi oo balanqaaday in ay qaban doonaan doorasho marka ay dhamaato mudda xiliyoodkooda, Iyagoona carabka ku adkeeyey marar badan in aysan jiri doonin wax la yiraahdo muddo kororsi, halka wax walbana lagu qaban doono muddadooda. Kooxdan uu hogaamiyo odayga da’da ah, ayaa waxaa looga fadhiyey fulinta balanqaadyadii ay sameeyeen xiligii ay mucaaradka ahaayeen, balse taasi ma dhicin sabab kastaaba haku timaaddee.

Odaygan iyo teamkiisa, ayaa ku fashilmay dhamaan fulinta balamihii ay qaadeen, halka uu dhinaca kalena iskadhegotiray baaqyadii uga imaanayey siyaasiyiintii mucaaradka ahayd sida Faysal Cali Waraabe oo kale. Kaas oo marar badan ku baaqay in la isu yimaado, si looga tashto waxa laga yeelayo hadii ay doorashadu ku qabsoomi weyso waqtigeeda, balse nasiibdaro dheg-jalaq looma siinin dhamaan baaqyadaasi, Taas oo ku tusineysa digtaytarnimada Odayga iyo kuwa ka hoos shaqeeyaba.Faysal, waa Siyaasiga kaliya ee Soomaali ah oo si aan gaban uga hadli kara dhaliilaha uu leeyahay maamulka uu taageero, Isagoo waliba isticmaalayo luuqad adag, oo runtii dhaawici karta jiritaanka maamulkaasi. Bal dib u dhageysta waraysiyada laga qaaday Siyaasigan, Isagoo ka hadlayo ceebaha uu leeyahay maamulkaasi, iyo waliba taageerayaashiisa. Bal raadiya waxa uu Faysal ka yiraahday haymanada ay beeshiisu ku hayso beelaha kale ee la dhistay maamulka.  Ataxaddaa in la keeno siyaasi Faysal oo kale ah, gaar ahaan marka ay timaaddo dhiiranaanta xagga hadalka.

U imow Buntland (xarunta ay Itoobiya ka maleegto shiqoolka) Waxa ay balanaqaadeen Siyaasiyiintii soo maamushay maamulkaasi, sida Cabdiraxmaan Faroole oo kale. Kuwaas oo horay u sheegay in ay Buntland ka qaban doonaan doorasho ay dadweynuhu wax dooran doonaan sida Somaliland oo kale, balse taasi ma dhicin sababo la xariira khibradyarida haysata siyaasiyiinta deegaanadaas, awooddooda dhaqaale oo aad u yar, iyo waliba cudurkii ay qabeen siyaasiyiinta Soomaalida ee dhinac isaga riixayey balamihii la qaaday.

Kooxdan dhowr iyo toban sano jirka, ayaa ku fashilantay ka gudubka nidaamka qabiilka(4.5). Taas oo ku tusineysa karti-xumidooda iyo tabardaridooda la xariirta halka ay tiigsanayaan. Midda kale, horta qabiil ma ku filan yahay waxa ay dowladi u baahan tahay xitaa hadii uu qabiilku yahay mid af-mishaar ah, Islamarkaana yaqaano sida loo maalo shisheeye iyo hay’adihiisa. Jawaabtu waa maya, maxaa yeelay qabiil tabar umahayo waxa ay dowladi u baahan tahay, Taasna waxa daliil u ah maamulka Buntland ee 18 jirka ah.

U imow kooxda horboodda Dowladda Federaalka, oo Iyagana sidaasi oo kale sedex sano ka hor balanqaaday in ay Soomaaliya ka qaban doonaan doorasho qof iyo codkiisa ah, Iyagoo waliba og aqoontooda, dhaqaalahooda iyo waliba kartida ay u leeyihiin dhismaha hay’ado dowladeed oo shaqeyn kara. Hadana sidaasi oo ay tahay waxa ay balanqaadeen qabashada doorashadaasi. Sidee u sameyn kartaa balanqaad intaasi le’eg, Adigoo aan dalkiiba gacanta ku haynin, Islamarkaana uu ku maamulo shisheeyo ka shaqeynaaya lugooyadaada ? Kooxdan, ayaa sida kooxaha kale Iyagana ku fashilmay fulinta balanqaadyadoodii ku aadanaa qabashada doorasho qof iyo codkiisa ah, gaar ahaan marka la gaaro sanada 2016. Taas oo lagu waday in ay ka dhacdo guud ahaan dalka Soomaaliya oo dhan. Iskadaa in ay doorasho qabtaane xitaa ma aysan sameynin gudiyadii muhiimka u ahaa doorasho noocaasi oo kale ah, sida dhameystirka dastuurka, sameynta sharciga doorashada iyo waliba kan asxaabta. Aigu, waxa ay ila tahay inaysan nimankan fahmin waxa ay u baahan tahay doorasho caynkan oo kale ah.

Hadaan qeybtan ku soo xiro su’aashii ahayd mala aamini karaa Siyaasiyiinta Soomaalida. Jawaabu waxaan leeyahay maya, maxaa yeelay ma’ahan niman runta sheega, Islamarkaana ay la weyn tahay amaanada, iyo waxa ay balanqaadaan.  Sidee loo aamini karaa ninkii (siilaanyo) shan sano ku qaban waayey doorasho yar oo ay ka qeybgalayaan dhowr boqol oo kun ? Sidee loo rumeysan karaa ninkii (xasan sheekh) dhisi waayey gudiyo ka kooban afartameeyo qof, Isagoo waliba la siiyey waqti ku filan ?

 
Ammaa qeybta kale ee su’aasheena hadaan u gudbo, ee ah nimanku wax maka fahamsan yihiin dowladnimo iyo dhaqankeeda ? Jawaabtu waxa aan  leenahay maya, maxaa yeelay ma’aanan arag wax dhaqan-dowlo iyo waliba wax u dhow toona, Waayo dhaqan-dowlo waa wax la wadagaranayo.Tusaale ahaan, sow dowladi ma’ahayn midda ku dhaqanta sharciga, Islamarkaana Iyada ilaalisa ? Bal soo qaado Kooxda maamusha Villa Soomaaliya ee ku caanbaxday ku tumashada sharciga iyo qawaaniinta dalka.
 

Kooxdan, ayaa waxa loo dhiibay dowlad federaali oo wadata dastuur tilmaamaya wax kasta oo la qabanayo, gaar ahaan marka ay timaaddo dhismaha maamul goboleedyada. Dastuurku, Waxaa uu si cad u tilaamayaa shuruudaha la rabo in la helo intaanba la dhisin maamul goboleed, sida dhismaha gudiga xuduudyada oo kale. Sow ma’ahayn in la sugo inta laga dhisayo gudigaasi muhiimka ah ? Sow ma’ahayn in la raaco waxa uu sharcigu tilaamaayo marka la dhisayo maamul goboleed, sida in uu maamul goboleedku ka kooban yahay labo gobol iyo wax ka badan ?

Tusaale ahaan, Baarlakamaanka Federaalka waxa uu dhawaan kala diray, Islamarkaana waxa aan jirin ka soo qaaday baarlamaanka Jubba. Hadaba maxaa laga rabay qeybta fulinta ee Dowladda Dhexe, iyo waliba maamulka Jubba ? Waxaa laga rabay in ay u hogaansamaan go’aanka ka soo baxay hay’addii ugu sareysay ee dalka, Islamarkaana ay dib ugu noqdaan dhismaha  baarlamaankaasi, Iyagoo waliba saxayo dhaliilihi lagu kala diray. Hadaba maxaa dhacay ? Waxaa dhacay in baarlamaankii la kala diray uu sii watay shaqadiisii, Islamarkaana uu soo doortay madaxweyne cusub. Taas oo runtii ah khalad weyn oo laga galay dowladnimada.

 
Dhinaca kale, waxaad arkaysaa Madaxweynihii dalka oo heshiisyo la saxiixanayo safiiro, iyo waliba wakiillo hay’adeed. Mar kale, Waxaad arkaysaa Madaxweynihii Qaranka oo saraakiil iyo madax yaryar ku soo dhaweynaya garoomada. Aaway Wasiirkii Arimaha Dibadda, Aawayse Ra’isulwasaarihii dalka ? Aaway Wasiir kuxigeenadii iyo Agaasimiyaashii Wasaaradaha ? Mar kale, Waxaad arkaysaa maamul goboleedyadii oo dalal kale la saxiixanyo heshiisyo waaweyn xilli ay dalka ka jirto dowlad dhexe. Sharaftibay naga qaadeen Ilaahay sharafta idinka qaad.
 
Tusaale kale iga hooya, oo waliba idin tusayo inaysan nimanku waxba ka aqoonin dowladnimo iyo dhaqankeeda. Waxaad arkaysaa Iyagoo daawanayo faragelinta ay dowladaha dariska iyo Urur goboleedka Igad ku hayaan Dowladdooda. Maxaa Itoobiya iyo Kenya ka galay dhismaha maamulada Soomaaliya, Aawayse dowladdii sheeganaysay in ay Iyadu masuul ka tahay dalkan ?  Bal fiiriya dalalka sida Soomaaliya oo kale burburay, Ma ku aragteen waxaan oo kale ? Soo qaado Afqanistaan, Laaybeeriya, Siraliyoon, Yaman,Gongo iyo kuwa la midka ah.Midda kale ee la yaabka leh, ee ku tusineysa inaysan nimanku waxba ka fahamsaneyn dowladnimo waxaa weeye in aysanba ku hadlin luuqad dowladeed. Tusaale ahaan, waxa aad arkaysaa Iyagoo magaca dowladdooda ka hormarinayo magac dowlad kale, Taas oo runtii gef ku ah Umadda Soomaaliyeed. Mar kale, waxaad arkaysaa Iyagoo amaanta ku hormarinayo ciidamada shisheeye ee dalka sugan, halka dhowr jumladood oo amaan ah ka dib ay markaasi xusayaan ciidamad Soomaalida ah, Taaso oo mar kale ku tusineysa aqoondarooda iyo caqli-xumidooda.Marka ay timaado helista ilaha wararka, Ma garaneysid meesha aad u raadsaneyso warka aad u baahan tahay, Waayo cid walba waa ay hadlaysaa. Tusaale ahaan, hadaad dooneyso inaad hesho wararkii ugu danbeeyey ee howlgal socda yaad u raadsaneysaa, Ma Dowladda Dhexe mise Dowlad Goboleedyada ?  Wallee kuwan iyo dowladnino kala fog. Bal isbarbardhiga Iyaga iyo kooxahan Islaamiyiinta ee ay iska soo horjeedaan. Bal fiiriya sida ay u dhisan yihiin iyo qaabka ay u shaqeeyaan. Wali ma aragteen Iyagoo hadalo iska soo horjeeda warbahinta la siinaya ? Abadan.

Dhaqamada lagu arkay nimakan Siyaasiyinta ah waa kuwa runtii dhaawacayo magaca dowladnimo, iyo hiraadkii aan ugu jirnay helista dowlad Soomaaliyeed oo u qalanta Shacabkeenaan Muslimka ah. Dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, ayaa waxaa si gaar ah isha ugu hayey habdhaqanka nimankan, Waxaana ugu danbeyn ii soo baxay inaysanba wax badan ka fahamsaneyn dowladnimo iyo dhaqankeeda. Waana sababataasi sababta uu u dhaqaaqi la’yahay tareenka dowladnimo, Waayo tareenku waxa uu u baahan yahay dad yaqaanno dowladnimo iyo dhaqankeeda.

Midda kale, markaan in muddo ah u fiirsaday guud ahaan siyaasiyiinta Soomaalida iyo habdhaqannadooda, Waxaa ii soo baxday kuwa ugu xun in ay yihiin kuwa ka soo jeedda beelaha Isaaq, Majeerteen, Abgaal iyo waliba beesha Ogaadeen, oo aad hadda mooddo in ay u soo gabagashatay sidii ay Soomaaliyu ugu gacan gelin lahayd dalalka Itoobiya iyo Kenya, oo ay ku haysato waxooga sandareera ah. Taasna waxaa daliil u ah waxyaabaha maanta ay sameynayaan siyaasiyiinta beeshaas ee xilalka ka haya labadan dowladood ee cadowga ah.
 
Beesha Ogaadeen, ayaad moodda in uu ku socda mashruuc baabi’in ah, oo ay iska kaashanayaan dalalka Itoobiya iyo Kenya, Kuwaas oo doonayo in ay tirtiraan taariikhda wanaagsan ee Beeshaasi ku dhex leedahay Bulshada Soomaaliyeed, Islamarkaana ay beesha ka horkeenayaan beelaha kale ee Soomaaliyeed. Mashruuca ku socda Beeshan, ayaa waxaa ka mid bahashan la yiraahdo dhaantada, oo haatan badashay barashadii diinta Islaamka oo ay Beeshu caan ku ahayd.

Gaba gabadii iyo gunaanudkii hadaan mar kale isweydiino, Mala aamini karaa Siyaasiyiinta Soomaalida, Waxse ma ka fahamsan yihiin dowladnimo iyo dhaqankeeda ?  jawaabu waxaan leenahay maya, Maxaa yeelay ma’aanan arag wax lagu aamino, oo ay sameeyeen. Waxse maa fahamsan yihiin dowladnimo dhaqankeeda ?  Waxaan leenahay maya mar kale, Maxaa yeelay laguma hayo wixii lagu yaqiinay dowladnimo iyo astaanteeda. Waana sababtaasi sababta uu u dhaqaaqi la’yahay tareenkan dowlad-doonka  ee ay Iyagu darawalada ka yihiin.Xusuusin: Qormadeena danbe, waxa aan kaga hadli doonaa mawduucan { Mudda intee le’eg ah ayuu shaqeyn karaa maamulka Jubba mar alaale iyo marka ay baxaan ciidama Kenya }

W/Q: Cabdulaahi Ibrahim Gumeysi-diid
Abdull2006@hotmail.com