Xildhibaanno ka tirsan BF oo ku qulqulaayo B/W

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanada ayaa u badan kuwa Gobolkaasi kasoo jeeda oo iyagu Baladweyne u tagay inay waxbadan ka ogaadan xaalada Gobolka Hiiraan iyo sida ay u wada noolyihiin Bulshada halkaasi wada dega.

Xildhibaanada halkaasi gaaray ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, sidoo kalena halkaasi ay ku wajahan yihiin xildhibaano kale oo ka tirsan BF Somalia.

Maxamed Ibraahim Cabdullaahi oo ah Gudoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee maamulka Gobalka Hiiraan, ayaa sheegay in Xildhibaano kale ay kusoo wajahan yihiin Gobolka Hiiraan waxa uuna Tilmaamay in ujeedka ugu weyn uu yahay inay xog wareystaan dadka Deegaanka.

Dhanka kale, Socdaalka Xildhibaanadaani ayaa qeyb ka ahaan doona shirar dhawaan la filaayo inay ka dhacaan Magaalada Beledweyne kaasi oo looga arrinsan doono mideynta Beelaha halkaasi wada dega iyo dhismaha labada gobol ee Sh/Dhexe iyo Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@ive.com