Warbixin: Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya u diyaariyay saraakiil ciidan + Sirta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa wado qorsho ay dalka Somalia kusoo gaarsiineyso Saraakiil kasoo kala jeeda dalalka Kenya iyo Uganda oo iyagu wax laga baray Xeelladaha lagula dagaalamo dhinacyada cadowga ku ah amaanka iyo nolosho shucuubta Soomaaliyeed.

Saraakiisha tababarkaasi la siiyay ayaa u dhexeysa 19 ilaa 24 waxa ayna tababarkaasi ku qaateen Dugsiga taageeradda Nabadda Aadminimo ee hoos taga Xarunta Caalamiga ee Tababarka Nabadda oo ku yaalla caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Bixinta Tababarkaasi ayaa waxaa sahlay Saraakiisha Militeriga Mareykanka kaga sugan Magaalada Nairobi kuwaasi oo hoostaga Xarunta Dhexe ee Hawlgalladda Tababaradda iyo Taakuleynta ee magacooda loo soo gaabiyay ACOTTA.

Sidoo kale, Tababarka la siiyay ayaa waxaa kamid ahaa ka hortaga Kufsiga qorsheysan iyo badbaadinta Haweenka Soomaaliyeed ee inta badan la sheego inay tacadiyo kala kulmaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia.

Sargaal u hadlay waaxda Arrimaha Dibedda dalka Maraykanka ayaa sheegay in ujeedka Tababarkaasi uu yahay ka hortaga dhibaatada ay la kulmaan shacabka Soomaaliyeed iyo in la helo kalsooni ka dhex abuuranta Ciidamada Nabadd ilaalinta iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Don Zimmer oo ah Madaxa Xarunta ACOTTA, ayaa sheegay in fikradda Tababarka looga dan leeyahay ay tahay maadaama aysan Milliteriga Maraykanka ka hawlgeli karin qeybo ka mid ah Afrika inay taageero iyo tababar siiyaan Milliteriga Gobalka.

Geesta kale, Mr Don Zimmer, ayaa Taliska AMISOM iyo DF Somalia ugu baaqay inay ka faa’iideystaan Khibrada ay xanbaarsan yihiin Saraakiishaani lagu tababaray Dugsiga taageeradda Nabadda Aadminimo ee hoos taga Xarunta Caalamiga ee Tababarka Nabadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@ive.com