Xasan Sh. oo si farsameysan u fashiliyey qorshe maanta BFS lagu horgeyn lahaa mooshinka!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Qorshe uu waday guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo lagu doonayay in Baarlamaanka Federaalka lagu hor keeno maanta mooshinkii xil ka qaadista madaxweynaha ayaa baaqday kadib markii ay soo dhex galeen arrimo aan la fileyn oo curyaamiyay hore u socodka Mooshinka.

Baaqashada mooshinka maanta ayaa waxaa si farsameysan uga dambeeyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo safar aan horey loo shaacin ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta.

Prof. Jawaari ayaa joojiyay inuu Mooshinkaasi geeyo Baarlamaanka si looga hadlo sharcinimadiisa iyo halka loo gudbinayo, laakiin wuxuu gaarsiiyay xildhibaanada mooshinka wada in arrintaasi dib u dhac ku yimid ayna ugu wacan tahay isagoo isla Maantanoqonaya ku-sime madaxweyne kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu socdaal ku aaday Imaaraadka.

XIldhibaanno ka tirsan kuwa mooshinka waday ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu arrintan si kula talo gal ah u sameeyey, balse waxay ii sheegeen inuusan weligiis maqnaan doonin uuna soo laaban doono, markaasna mooshinka la horkeeni doono baarlamanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com