Safiirkii hore ee Mareykanka ee Somalia oo soo jeediyey qorshe la xiriira Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa loo soo jeediyay inay si deg-deg ah qunsuliyad uga furato magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, taasi oo kor u qaadeysa xiriirka labada dhinac, sida uu sheegay Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya.

Amb. Stephen M. Schwarts, oo ahaa safiirkii Mareykanka ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 2016-kii iyo 2017-kii ayaa dalkiisa u soo jeediyay dalabkan, oo meel ka dhac ku noqonaya qaranimada Soomaaliya, maadama ay Somaliland ku doodo inay tahay dal madax-banaan.

Stephen ayaa qaba in Mareykanka uu Midowga Afrika kala shaqeeyo sidii loo dhisi lahaa wax uu ku sheegay meeqaamka Somaliland, isagoona carabka ku adkeeyay in lagama maarman tahay in madaxweynaha xiga Farmaajo uu ka midha dhaliyo wada-hadalada Somaliland.

“Masaafadda iyo inay ka fog tahay Muqdisho, Maraykanku waa inuu Somaliland ka samaystaa Qunsuliyad, si ay u caawiso muwaaidniinta Maraykanka, Ganacsiga iyo in la dhiso xiriirada” ayuu ku yiri Stephen qoraal dheer oo uu arrintaas kaga hadlayay.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa inay sidoo kale kala shaqaysaa midowga iyo dhinacyada kaleba in la xalliyo meeqaamka Somaliland, iyadoo Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya (Madaxweynaha Farmaajo xiga) lagu dhiiri-gelinayo inuu sameeyo Wada-hadallo deg-deg ah oo macno leh.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Mareykanka ay siin karto xulashooyin istaraatiijiyadeed oo faa’iido leh xiriirka Somaliland oo kor loo qaado, marka loo eego deganaanshaha Somaliland iyo halka ay ku taallo, gaar ahaan dekedda Berbera oo marin muhiim ah.

Soo jeedintan ayaa sii xoojinaysa mid uu hore Mareykanka ugu soo jeediyay Michael Rubin oo ah Aqoonyahan Mareykan ah oo ka tirsan Machadka (AEI), inta badana u dooda madax-banaanida ay ku doodo Somaliland.

Rubin ayaa Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka u soo jeediyey inay u deg-degto sidii ay qunsuliyado uga furan lahayd Magaalooyinka ay Hargeysa ka mid tahay wixii ka dambeeya bisha January ee 2021-ka oo uu talada Mareykanka la wareegayo Joe Biden.