BEESHA CAALAMKA oo muujineysa awooddeeda siyaasadda SOOMAALIYA

Caasimada OnlineBy Caasimada Online

Waxaa wali taagan is-mari waaga la xiriira hannaanka doorashada Soomaaliya, xilli uu waqtiguna aad usoo dhawaanayo, laakiin garabyada mucaaradka ayaa u arka beesha caalamka in ay tahay rajada kaliya ee xal lagu heli karo.

12-kii bishan ayaa war saxaafadeed ay beesha caalamka soo saartay lagu sheegay in saaxiibbada Soomaaliya ay ka walaacsan yihiin khilaafka ka taagan hirgelinta hannaanka doorasho ee 17-kii Sebtember ay ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada.

Waxaa kale oo ay beesha caalamka ay sheegeen in heshiiska 17-kii Sebtember uu yahay aasaaska kaliya ee la aqbali karo in loo maro doorashooyinka 2021-ka.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya – ee uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble – ayaa dhankeeda sheegtay in lagu guda jiro howlaha doorashada, iyadoo u muuqata in aysan dhag qalaq u siineynin tabashooyinka ay qabaan dhinacayada mucaaradka.

Labo ka mid ah shanta maamul goboleed ee hoos yimaada federaalka Soomaaliya (Jubbaland iyo Puntland) ayaan ka dhex muuqanin hannaanka doorashada, inkastoo saddexda maamul goboleed ee kale (Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed) iyo gobolka Banaadir ay xukuumadda federaalka la safan yihiin.

Xisbiyada Mucaaradka waxyaabaha ay ka cabanayaan waxaa ka mid ah qaabka doorashada looga fulinayo deegaannada iyo waliba xubno ka tirsan guddiga doorashada oo ay u arkaan in aysan caddaalad sameyn karin.

‘Beesha Caalamka ayaa awalba ahayd Maxkamadda Dastuuriga ah ee Soomaalia’

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah guddoomiyaha Xisbiga Wadajir, kana mid ah musharraxiinta xilka madaxweynaha, ayaa sheegay in meesha kaliya ee ay hadda u noqon karaan ay tahay beesha caalamka.

“Haddii Ra’iisul wasaarihii doorashada qabanayay intaan la kulmay aan ku balannay in xal la gaaro uu markii dambena lasoo istaagay horaa loo soconayaa, doorasho kala dhiman ayaa la qabanayaa, oo dowlad goboleedyada Puntland iyo Juabbaland ka maqan yihiin, oo musharraxiintii tartamayay aysan ku qanacsaneyn. Haddii madaxweynihi aan la arkeynin, oo la mqleynin, adeerow dalkaas beesha caalamka ayadaa awalba maxkamad dastuuri ah ka ahayd, ciidankeeda ayaa jooga oo dadkan kala haya, annaga beesha caalamka ayaan garnaqsigeenna geynay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan la qaatay madaxweyneyaasha maamul goboleedyada qaarkood, halkaasoo ay ka maqnaayeen labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland.

Kulankaas gabogabadiisa ayuu Rooble ka yidhi: “Waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in xukuumaddu ay maalmahan dambe dadaal galisay sidii loo xallin lahaa kala aragti duwanaanshaha ku saabsan arrimaha doorashooyinka. waxaan horay u ballan qaaday inaan dalka gaarsiinayo doorasho jawi nabdoon ku qabsoonta, dadaallo ayaan u sameynay xallinta khilaafka, sidaas darteed xukuumaddu waxay go’aansatay in la billaabo hirgalinta doorashooyinka si aan waqti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cadi Kaariye “Qooq Qoor”, oo isku ku howlanaa dadaallada isu soo dhaweynta dhinacyada kala aragtida duwan, ayaa sheegay in madaxda federaalka “ay dhankooda xal diyaar u yihiin balse ay la yihiin cid la xaajoota”.

“Dadaalladii dhexdhexaadinta ahaa ee aan waday markii aan madaxda Qaranka mowqifkooda tanaasulka ah u gudbiyay dhinacydaii tabashada watay wali wax jawaab ah kama hayo saaxiibbatey Puntland iyo Jubbaland. Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in dowlad goboleedka Galmudug ay sameysay intii karaankeeda ah si dalkan loo gaarsiiyo hannaan doorasho oo heshiis lagu wada yahay si horay loogu wado dowladnimada iyo dimuqraaddiyadda dalka,” ayuu yidhi Qoor Qoor.

Beesha Caalamka maxaa ka dhigay meesha xalka loo raadiyo?

Su’aalaha mar walba la isweydiiyo waxaa ka mid ah kaalinta beesha caalamka ee Soomaaliya. Wakiillada Beesha Caalamku ma garsoor ayey yihiin Soomaalida?

Barfasoor Afyare Cilmi, oo wax ka dhiga jaamacadda Dooxa ayaa BBC-da la falanqeeyay doorka ay beesha Calamka uga jirto arrimaha siyaasadeed iyo mustaqbalka Soomaaliya.

“Hannaanka dowladeed ee Soomaaliya hadda sida uu u sameysan yahay waa in caqliga, cududda iyo dhaqaalaha intaba ay bixiso Beesha Caalamka, sidaas awgeedna mar kasta lagama maarmo taladooda iyo go’aannadooda. Dowladda beesha ka jirta waxay ku dhisan tahay ciidan shisheeye, dhaqaalaha miisaaniyadda ku jira marka laga soo tago AMISOM 70% waxaa bixiya deeq bixiyeyaasha, sharciga beesha caalamka oo kaliya ayaa lagu wada joogaa,” ayuu yidhi Afyare Cilmi.

8-da bisha February ayuu qorshuhu ahaa in ay Soomaaliya ka dhacdo doorashada madaxweynaha, balse lama oga sida ay ku hirgali doonto iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin, beesha caalamkuna ay ku talineyso in xal la helo doorashada ka hor

Isha: BBC Somali