CC Shakuur oo soo jeediyey in afar arrin dartood loo sii daayo Mukhtaar Roobow

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku baaqay in lasii daayo Mukhtaar Roobo oo in ka badan 2-sanadood u xiran dowladda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu aaminsan yahay in Mukhtaar uu qeyb libaax leh ka qaadan karo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo laga bilaabo gobolka Bakool halkaas oo ay ka jirto qeylo dhaan ay dirayaan shacabka magaalada Xudur.

Hogaamiyaha wuxuu qoraal soo dhigay bartiisa Facebook wuxuuna ku baaqay in dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed ay si wadajir ah uga shaqeeyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay sheegayanaan shacabka gobolka Bakool.

Hoos ka akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Argagexisada Al-Shabaab waxay sanado badan go’doon ku hayeen deegmooyinka Xuddur iyo Waajid. Waxey ciqaab wadareed ku hayaan shacabka deegaankaas, iyagoo gubaya gawaarida raashinka daruuriga ah deegaanka u wada.

Maalmo ka hor waxey gubeen ceel ay biyaha ka cabaan shacabka Bacaadweyne. Cadawtinnimada argagexisada Al-Shabaab waxay gaartay heer ay shacabka nolosha u diidaan. Waxaan ku talinaynaa:

1- In qaybaha kala duwan ee hoggaanka bulshada ay qaylodhaan ka muujiyaan ficilkan gurracan.

2- Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waa in ay hormuud u noqoto abaabul dadweyne iyo mid culays lagu saarayo Dowladda Federaalka iyo AMISOM in ay u istaagaan hawshaan oo ay masuuliyadooda qaataan.

3- Dowladda waa in ay deegaankaas u dirtaa ciidanka ay deegaannada nabadda ah u direyso, oo ay doonayso in ay doorashooyinka ku boobto.

4- In Sheekh Mukhtaar Roobow xabsiga laga sii daayo, si uu hormuud ugu noqdo la dagalaanka cadawga Al-Shabaab ee deegaankaas, maadaama uu tabtooda yaqaanno.