Safiirkii Turkey ee Somalia oo dowladda Somalia ka dalbaday fulinta laba arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya arin la xiriirta wadahadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Turkey Maxamed Cabdullaahi Jaamac, ayaa shaaciyay inay dhawaan dib u bilaaban doonaan wadahadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Safiirka Soomaaliya ee Turkey ayaa dalkaasi kula kulmay danjirihii hore ee Turkey u qaabilsanaa Soomaaliya Olgen Bekar, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo wadahadalada ay u jiraan.

Danjiraha ayaa ka dalbaday Dowladda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilowdo wadahadalkii Somaliland, isaga oo sheegay in wadahadalka wax badan lagu dhameyn karo.

Safiirka Soomaaliya ee Turkey ayaa ka jawaabay dalabka safiirkii Turkey ee Muqdisho, waxaana uu sheegay inay dhawaan dib u bilaaban doonaan wadahadalka labada dhinac.

Wuxuu dhankiisa Olgan Bekar uu balan qaaday inuu door weyn ka ciyaari doono wadahadalka Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sidoo kale dalbaday in sidii Muqdisho loogu soo dhaweeyay looso dhaweeyo safiirkii isaga badalay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com