Safiirkii Turkiga ee Somalia oo M/Afrika ka dalbaday in aysan faro-gelin Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan hadalkii ka dhanka ahaa Jubbaland ee ka soo yeeray wakiilka Midowga Afrika, Amb. Francisco Madeira.

War qoraal ah oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay safiirkii hore ee Turkiga u joogay Soomaaliya Amb. Kani Torun ayaa wuxuu uga hadlay arrintaasi, isaga oo ugu baaqay ururka Midowga Afrika in uusan faro-gelin siyaasadda gudaha ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in Midowga Afrika looga baahan yahay inuu dhex-dhexaad ka noqdo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.

“Midowga Afrika waa in uusan faragelin siyaasada gudaha ee Soomaaliya, Midowga Afrika waa inay dhex dhexaad ka noqdaan kooxaha siyaasadda haddii kale waxay wiiqi doontaa xasilloonida jilicsan.” ayuuu qoraalkiisa ku yirid Danjire Kani Torun.

Tan iyo markii uu Madeira khudbad ka hor jeediyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu la kulmayey dhaleeceyn xoogan, kadib markii uu shaaciyey in uu Madaxweyne Axmed Madoobe heshiis la gaaray kaliya mucaaradka Ogaadeen.

Hadalkaan ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo shalay dowlad goboleedka Jubbaland ay si weyn u cambaareysay ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. Francisco Madeira, islamarkaana sheegtay inay dhowaan ku furi doonto gal-dacwadeed.