Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay duleedka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan ciidan ka amar-qaata guddoomiyaha degmada Dayniile, Maxamed Abuukar Jacfar oo howlo burbirin ka bilaabay halkaaasi iyo askar kale oo ka soo horjeeday burburintaasi, kana yimid, sida la sheegay dhinaca degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka dhex-mara labada ciidan ku dhintay ugu yaraan illaa saddex askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen afar kale.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dagaalkaasi, balse wararka qaar ayaa sheegaya in la’isku hayo arrimo la xiriira dhul ku yaalla halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan yare degan, hase’ahaatee ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan iska hor imaadkaasi.