Askari ka tirsan ciidanka DF oo toogtay mid ka mid ah rag Mindiyo ku soo weeraray

Muqdisho (Caasimada Online ) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday Mindi oo xalay saq-dhexe lagu qaaday askari ka tirsan ciidamada Booliska  xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo ku yaalla degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in ragga weerarka qaaday oo labo ahaa ay abaaro 3:00 habeenimo ay gurigiisa ugu galeen askariga, balse uu iska difaacay, islamarkaana uu toogasho ku dilay mid ka mid ah labadii ruux ee ku hubeysnaa Tooreeyada.

Shucuyb Cabdulle oo ah Aabaha askariga la weeraray oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la damacsanaa in wiilkiisa lagu dilay weerar qorsheysan, balse uu iska difaacay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Aabe Shuceyb ayaa tilmaamay in haatan ay socdaan baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Lama oga illaa iyo hadda sababta ka dambeysa weerarkaan  iyo u jeedka loo bartilmaameedsaday askarigaasi.

Ma jiro sidoo kale weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka, balse dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmihii dambe magaalada Muqdisho ay ku soo badanayeen kooxo hubeysan oo xilliyada habeenkii ah dhac ka geysta caasimada.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.