Sagaal jir Jowhar u tagtay in ay ku ciideysato oo la dilay

Jowhar (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaasi askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu ku dilay gabar yar.

Gabadha ayaa qoyskeeda waxay geeyeen magaalada Jowhar, si ay halkaasi ugu soo ciideysato, balse waxaa maanta lagu suuqa Jaadka lagu iibiyo ee magaalada Jowhar.

Askariga ayaa xabad ku dhuftay Gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay Sideed Sanno jir,ayaa markii dambe la sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen.

Wariyaha Caasimada Online ee ayaa sheegaya in Gabadhaas waqti yar kaliya ay ku sugneyd Magalada Jowhar kana tagtay Muqdisho si halkaasi ugu ciideysato.

Dilka kadib Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hir-Shabelle ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay,iyaga oo Saldhiga Jowhar dhigay askariga dilka geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.ciom