DF oo ka jawaabtay warqad yaab lahayd oo Kenya usoo dirtay Muqdisho (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ku gooddisay in uu sii soconayo dagaalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya xitaa haddii Maxkamadda ICJ ay xukunto in Badda Kenya dooneyso loo xukumo Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa warqad ay soo marisay safaaraddeeda Muqdisho waxaa ay u soo dirtay Soomaaliya,waxaana warqaddaasi daarneyd dhowr  qodob oo kala ah;

-In Kenya ay awood xoog leh u adeegsaneyso Shacabka Gedo ee bur burinaya derbiga ay Kenya ka dhiseyso Dhulka Soomaalida.

-In Guddi baaris ah u saartay Kenya arrinta darbiga,wixii waxyeello ah ee gaartayna ay magdhow ka bixin doonto dowladda Soomaaliya.

-In Kenya aqoonsaneyso Somaliland, haddii ay dowladda Federaalka ah sii waddo muranka Badda islamarkaana toos ula xiriiri doonto Somaliland.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo warqaddaasi ay soo gaartay 25-kii May ayaa 29-kii isla bishaas ku jawaabtay in dowladda Soomaaliya aysan hayn caddeyn ku filan in shacabka Gedo ay bur buriyeen darbiga ay Kenya dhistay.

Waxaa kale oo ay oo dowladda Soomaaliya sheegtay in Kenya ay u oggolaatay in ay xafiis ka furato Hargeysa, haddii Kenya hanjabaaddeeda ka dhameysana Soomaaliya go’aan noocaas ah ka qaadan karto gooni u goosadka Mombasa ee dalka Kenya.

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Kenya ayaa la xiriiray Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,markii la weydiiyay go’aanka Kenya ee Somaliland ayuu Wasiir Cawad ku qoslay isaga oo arrinta Mombasana miiska imaneyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com