Magaalooyin Soomaaliya ka mid ah oo laga sooman yahay maanta (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) –I yadoo maanta inta badan dowladaha Islaamka u dabaal dagayaan munaasabadda Ciida maalinteeda Koowaad ayaa qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya maanta laga Sooman yahay.

Sida looga bartay deegaanada Galmudug oo Ahlu Sunna Waljamaaca ay maamusho maanta waxaa laga sooman yahay maalinta ugu dambeysa Ramadaan, iyadoo deegaanada kale laga ciidayo.

Magaalooyinka Dhuusomareeb, Guriceel iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug ayaa lagu waramayaa inay maanta ciida aan looga dabaal dageyn, waxaa sidoo kale aanan maanta laga ciideynin tuulooyin dhowr ah oo maamulka Ahlu sunna ka taliyo.

Saanadka kasta marka ay curado Bisha Ramadaan ayaa deegaanada Galmudug oo ay maamulaan Ahlusunna waxaa ay hal maalin ka dambeeyaan Gobolada kale ee Soomaaliya si la mid ah Maalmaha kale ee Maalinta 1aad ee Ciida ay iyana sooman yihiin.

Deegaanada kale ee Soomaaliya ayaa maanta looga dabaal dagayaa munaasabadda ciida.
Maamulka iyo Shaqaalaha Caasimadda Online ayaa idinla wadaagayaa Munaasabadda Ciida, CIID WANAAGSAN.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com