Sakaal ka tirsan SHABAAB iyo ilaaladiisa oo lagu dilay howlgal ka dhacay Janaale

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyey koox Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Xoogga ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo 13 dagaalyahan oo ilaalo u ahaa.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Shire, wuxuuna Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Shabeelaha Hoose.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa deegaanka Janaale ku dilay Horjooge Maxamed Nuur Shire oo argagixisada u qaabilsanaa Gobolka Shabellaha Hoose iyo 13 dhagarqabe oo kale.” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay  Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale wuxuu qoraalka intaasi kusii darayaa in sarkaalkan iyo xubnaha kale ee lala dilay ay qorsheynaayeen weeraro ka dhan ah ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka hortagay dhagar ay argagixisada u soo maleygayeen shacabka ku dhaqan deegaanka Janaale.” Ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana howlgalkan uu qayb ka noqonayaa dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ciidamada dowladda ka wadaan gobollada dalka.