Salaad Cali Jeelle oo weji gabax kala kulmay shirka Mudulood iyo buuq dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u taageera madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuna magacaaban la-taliyihiisa,  ayaa waji gabax kala kulmay shirka beelweynta Muddullood oo saakay ka furmay mowlaca Macallin Nuur ee magaalada Mudisho.

Salaad Cali Jeelle oo jadwalka dadka hadlayay ka mid aheyn ayaa dalbaday in fursad loo siiyo labo kelmad, waxaana markii uu hadlay qeylo iyo sawaxan kala horyimid dadweynihii ka qeybgalayay shirka iyagoo codsaday in makroofanka laga qaado, markii uu soo hadal qaaday qorshaha doorashada qof iyo cod ee Farmaajo ku adkeysanayo.

Cali Mahdi Maxamed ayaa fadhiga kasoo kacay, isagoo dadkii qeylinayay ku dejiyay in Salaad Cali Jeelle uu yahay shaqsi ka dhashay beesha Mudullood, xaqna u leeyahay inuu ka hadlo fikirkiisa, dadkiina wuxuu ka codsaday inay dhageysteen hadalkiisa oo ay joojiyaan buuqa iyo foorida.

Intaasi kadib, Salaad Cali Jeelle ayaa qorshahiisa badalay, isagoo u muuqday in uu gabay wixii uu sheegi lahaa.

“Shirka hadduu shir Mudullood yahay, sooma kaceen, laakiin doorashaa laga hadlay, sidaas ayaa usoo kacay, doorasho dadban ayaa la rabaa in nagula qasbo oo doorasho qof iyo cod aheyn oo shacabkaan raba inay codeeyaan,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo intaa raaciyay in Madaxweyneyaashii hore Sharif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ay sameeyeen muddo kordhin bilooyin ah.

Salaad Cali Jeelle ayaa ku faanay inuu yahay La-taliyaha madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay in muddo ah ka shaqeynayeen in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, laakiin uu qiil u raadinayay mudo kororsiga ay qorsheyneyso Villa Somalia.

Muhiimada hadalkii Salaad Cali Jeelle oo codsi uu jeediyay ku timid ayaa dadkii dhageysanayay aysan la dhicin iyo cid dhageysatay, iyadoo dadku hoos ka guuxayeen dalbanayeen in cod baahiyaha laga qaado.

Salaad Cali Jeelle ayaa si weyn u taageera madaxweyne Farmaajo, isagoona sheegay inuu ka mid yahay La-taliyeyaashiisa, wuxuuna bil walba mushahar ka qaataa Villa Somalia.