Wiil dhalinyaro ah oo maanta lagu gowracay Beledweyne, kadibna la gubay meydkiisa

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil arxan darro ah oo maanta wiil dhalinyaro ahaa loogu geystay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraam, kaas oo ay gowracaeen kooxo aan la garaneyn.

Marxuumka oo la dilay, kadibna la gowracay ayaa lagu magacaabi jiray, Caydaruus Calawe Siyaad, kaas oo ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta.

Sidoo kale qof ka mid ah dadka deegaanka oo ka warbixiyey dhacdadaasi ayaa sheegay in marka la gowracay, kadib meydka marxuumka dab la sii qabad-siiyey.

“Waa dhacdo aan ka naxnay markii aan maqalnay wiilka rag ayaa gowracay, kadib medkiisa ayay dab qabadiisyeen waana carareen anaga ma naqaano dadkaasi wax dilay iyo sababta ay u dileen.” ayuu yiri Qof ka mid ah dadka deegaanka.

Ehellada marxuumka oo ka naxay falkan arxan darrada ah ayaa laamaha amniga ka dalbaday in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyey dilka wiilkooda.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay dhacdadaasi xanuunka badan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in ragga ka dambeeyey dhacdadaasi oo meesha ka baxsaday ay hayeen kooxo burcad oo doonayey inay mootada ka dhacaan marxuumka.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Beledweyne iyo kan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dhacdadaan ayaa si aad ah u taabatay reer Beledweyne, kuwaas oo hadal haya, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka ee magaaladaasi.