Sawirro: Shirka Mudulood oo ka furmay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay shirweynaha Beelaha Mudulood, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Shirka oo ka dhacaya Mowlaca Macalin Nuur ee ku yaalla degmada Hodan ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cali Mahdi Maxamed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi, madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, wasiiro, xildhibaano iyo siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, culumida  iyo qeybaha bulshada.

Furitaanka shirkan oo ah mid wadatashi ah ayaa wuxuu soo maray marxalado kala duwan, waana wejigii labaad oo looga arrinsanayo aAyaha beelweynta Mudulood.

Sidoo kale shirka oo socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha masiiriga ee dalka.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo badan la dhigay xarunta uu shirku ka dhacayo oo ah Mowlaca Macalin Nuur ee degmada Hodan.

Gaba-gabada shirkan ayaa waxaala filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan go’aannada ay isla qaataan dhinacyada kala duwan ee ka qeyb-galaya shirkaasi.