Salad Jeele oo fariin culus u diray Bbeesha caalamka kadib markii..

Muqdisho (Caasimada Online) – Salaad Cali Jeele oo kamid ah Siyaasiyiinta magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka.

Salaad waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa ay u muuqato in Beesha Caalamka iska indha tireyso sida ay wax u wado Dowlada Somalia, waxa uuna ku baaqay in wax laga bedelo sida ay wax u socdaan.

Salaad waxa uu tilmaamay in arrinka iminka muuqda uu yahay mid muujinaaya inaanu dhici karin doorasho xalaal ah, waxa uuna ku taliyay in Beesha Caalamka ay iska xilsaarto howlaha doorasho ee Somalia.

Salaad waxa uu sheegay in walaac gaar ah uu ka muujinaayo dadaal la’aanta Dowlada Somalia iyo is moogeysiinta Beesha Caalamka, wuxuuna arrin fool xun ku tilmaamay goorta ay dhacdo fashil aan qarsoodi laheyn.

Salaad Cali Jeele ayaa ugu yeeray beesha caalamka in la joogo waqtigii Soomaaliya laga ilaalin lahaa iney dib ugu laabato dagaaladii sokeeyay ee uu dalka soomaray.

Haddalka Salaad ayaa imaanaya iyadoo inta badan dadku yihiin kuwo aad u dhaliilaaya qaabka ay Dowlada Somalia wax u wado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com