Salad Cali Jeelle oo bixiyey xog cajiiba oo mooshinka Farmaajo ku saabsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Lataliyaha dhinaca Siyaasadda ee madaxweynaha Soomaaliya Salaad Cali Jelle ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaanada baarlamaanka ay ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya.

Isaga oo la hadlayay Warbaahinta ayuu sheegay in mooshinka lagu soo beegay waqti aan habooneyn islamarkaana uu ku yimid si kedis ah, isagoo ujeedada laga leeyahay ku sheegay in lagu dhabarjebinayo ama lugaha looga qabanayo horumarada ay sameyneyso dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Isbadalada Geeska Africa ayuu sheegay in looga soo horjeedo oo dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay, waxaana uu sheegay in dalalka Jaamacadda Carabta qaarkood aysan dooneyn isbadalada geeska Africa.

“Mooshinkaanu Waxaa looga soo horjeedaa isbadalka Soomaaliya ay geeska Africa ka sameysay, markii dadkii Soomaalida dhibateeadii ku faraxsanaan jiray mooshin ay gadaal ka riixayaan ayaa arintaan ay xoogeysatay, dadka mooshinka wadana waxay ka dhigayaan gorgortan siyaasadeed”

Siyaasi Salaad Cali Jeelle ayaa hadalkiisa ku daray in Mooshinka ay qeyb ka yihiin ururada Hubeysan ee ka horjeeda dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Laamaha amaanka lagu hor istaagayo.

“Waxaa la mashquulinaayaa Hay’adaha Amniga, hadduu mooshin yimaada Hayadaha Amniga ayuu toos u saameynayaa, Mooshinkaan waa mid loogu shaqeynayo Argagixisada, waxayna arintaan dhibaato ku tahay horumarkii jiray, Mooshinkaan wuxuu gacan siinayaa argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya, oo xitaa maalgalin ayay ku leeyihiin”`ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Dad badan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheega in mooshinkaan uu yahay mid lagu muujinayo awooda baarlamaanka iyo heerka uu gaaray khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareyso dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com