Xog: Laba arrin is-biirsaday oo keentay in taageero loo helo mooshinka Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Mooshinka laga gudbiyey madaxweyne Soomaaliya ma ahan mid cusub, oo intiisa badan  waxaa la diyaariyey dabayaaqadii sanadii tagtay markaasi oo uu fashilmay, balse dib ayaa loo cusbooneysiiyey.

Inta badan qodobada mooshinka loo cuskaday sida arrinta Qalbi-Dhagax iyo ku xagudubka dastuurka waa kuwa hore loo qoray, waxaana lagu daray oo kaliya qodobo dhowr ah oo cusub, oo xaaladda taagan lagu dabaqay, ayada oo taariikhdana laga beddelay.

Mar walba mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo wuxuu ahaa mid qoran, balse waxaa loo la’aa taageero, ayada oo xildhibaanada mooshinka ay ahaayeen qiyaastii 40 illaa 50 xildhibaan, oo intaas ay muddo dhaafi waayeen. Si kastaba, laba xaalad oo si-biirsaday ayaa looga faa’iidyestay mooshinka, looguna helay inay saxiixaan 92 xildhibaan.

Markii ay sare u kacday xiisadda ka dhex oogan dowladda iyo maamul goboleedyada waxaa kordhay tirada xildhibaanada mooshinka, hase yeeshee weli ma aysan gaari karin 92-ka xildhibaan ee loo baahan yahay si uu mooshinka sharci u noqdo.

Ugu dambeyn xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa horseeday in ugu dambeyn taageeradii loo baahnaa loo helo mooshinka, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed laga soo doorto ama kuwa Digil iyo Mirifle ayaa ah xildhibaanada ugu saameynta badan baarlamanka, sababtoo ah waa kuwo isku duuban oo inta badan codkooda midaysan yahay, taasi oo ka dhigeysa awood.

Xildhibaanadan ayaa si aad ah u dhaliilsan sida dowaldda u wajaheyso xaaladda Koonfur Galbeed iyo diidmadeeda ah in Roobow uu ka qeybgalo doorashada, waxaana arrintaas ka faa’iideystay xildhibaanadii hore mooshinka uu uga fashilmay ee Imaaraadka Carabta ku xiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com