Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo la burburiyay iyo howlgal culus oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 27-aad oo howl-galo kala duwan weli ka wada deegaano ka tirsan gobolka Hiiran ayaa la wareegay deegaanka Hees oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolkaas.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay burburiyeen saldhigyadii ururka Al-Shabaab ee deegaanka Hees, waxayna gebi ahaanba gacan ku haynteeda la wareegeen deegaanka.

Sidoo kale ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa waxay sii wadi doonaan howl-galada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab oo ay ka fulinayaan deegaanada hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo dhowr jeer weeraro kala duwan ka fulisay Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ciidamada ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen howl-galka, isaga oo ku dhiiriyey inay sii wadaan ilaa iyo inta ay ka saarayaan guud ahaan deegaannada gobolka.

Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo ay wehlinayaan maleeshiyaadka macawiisleyda ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxay howl-galo ka sameeynayeen deegaano hoostaga gobolka Hiiraan, ayaga oo la wareegay deegaano dhowr ah.