Daawo: Fartaag oo mowqif aan la fileyn ka qaatay muddo kororsiga Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Jubaland, oo hadda ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ka mid noqday siyaasiin miisaan leh oo ka hor yimid qorshihii mudo kororsiga ahaa ee shalay loo sameeyey xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland.

Senator Fartaag oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa cadeeyey in saaxiibkiisa Axmed Madoobe uusan ku raaci doonin qorshihiisa mudo kororsiga ah, “Aniga Axmed waxaan saaxiib ku aheyn danta Jubbaland, waa isla soo halganay waa madaxweynaheygii, laakiin tallaabada uu qaaday kuma raaci doono,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in go’aanka mudo kororsiga ah aysan waxaba ka ogeyn, taas bedelkeedana ay Axmed Madoobe kala shaqeynayeen sidii loogu gacan geli lahaa gobolka Gedo, oo dowladii Farmaajo ay awood ciidan uga saartay.

“Wax talo ah oo senatorradii ama xildhibaanadii laga soo doortay Jubbaland uu Axmed kala yeeshay mudo kororsigaan ma jirto, wuxuu ahaa go’aan shalay soo bilowday oo isla shalay lagu kala baxay,” ayuu yiri Senator Fartaag.

Wuxuu carabka ku adkeeyey in dastuurka Soomaaliya iyo kan Jubbaland aysan ogoleyn wax mudo kororsi ah, “Hadii tani ay sharci noqaneyso baarlamaankii 10-aad ayaa Farmaajo mudo kordhin u sameyn lahaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Cabdullaahi Fartaag ayaa sheegay in shalay ay Axmed Madoobe garbihiisa taagnaayeen, balse maanta ay xaaladu sidii hore ka duwan tahay, “Hadda dadku waa soo wada jeedaan, saraakiishii ayey argagixisadu Kismaayo ku dhex layneysaa, Kismaayo dhinac loogama bixi karo waa wada miino, marka badbaado ayaa loo baahan yahay,” ayuu yiri.

Siyaasiyiin iyo waxgarad miisaan ku leh siyaasadda deegaanada Jubbaland ayaa maanta isbaheysi uga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaas oo loogu magac daray “Badbaadada Jubaland” waxaana Godoomiyaha isbadal doonkaan loo doortay Aadan Afey.

Hoos ka daawo wareysi uu Fartaag siiyey taleefishinka SMS