Salva Kiir oo amray fulinta qodobadii Farmaajo ay ka wada hadleen (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka arrimaha dibadda Sudaanta koofureed iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Jubba ee dalkaasi Sudan, ayaa ka wada hadlay dhaqan gelinta qodobadii ay ka wada hadleen labada dal madaxweynayaashooda.

Wasiirka Arrimaha dibadda Sudanta Koofureed ayaa dhowr arimood oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii loo fulin lahaa qodobadii ay ka wada hadleen labada Madaxweyne kala hadlay safiirka Soomaaliya ee Jubba.

Ambassador Xuseen Xaaji Axmed  ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Koofurta Sudan Nihal Deng uu ku soo booqday xarunta Safaarada isla markaana uu u sheegay in Madaxweynaha dalka Salva Kiir uu amar ku bixiyay in deg deg loo fuliyo dhamaanba qodobadii Farmaajo iyo Salva Kiir.

Waxyaabaha labada masuul ay ka wada hadleen waxaa kamid ah arimo quseeya dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalkaasi kuwaas oo mararka qaar la kulma caqabado dhanka ganacsigooda ah.

“Wasiirka ayaa nagu soo booqday xarunta Safaarada waxaan ka wada hadalnay xiriirka Soomaaliya iyo Sudanta Koofureed waxaa uu ii sheegay in Madaxweyne Salva kiir amar ku bixiyay in la fuliyo sida ugu dhaqsiyaha badan qodobada ay Madaxweyne Farmaajo ka wada hadleen waxaan rabnaa in arimahaas deg deg wax looga qabto runtii wuxuu amaan u soo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee dalkaan ku ganacsada sida wanaagsan ee ay uga dhex muuqdaan bulshooyinka kale” ayuu yiri Danjire Xuseen Xaaji Axmed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan tagay magaalada Jubba ee caasimada dalka Koofurta Sudan waxaana uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

Waxaana xiligaasi Jaaliyadda ay u soo gudbisay madaxweynaha cabasho la xiriirta in ay la kulmaan tacadiyo Madaxweynaha ayaana arintaa kala hadlay dhigiisa dalkaas Salfakiir oo balan qaaday in dowladiisu cabashooyinkaa wax ka qabaneyso si dhaqso leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com