Kulamo aan loo kala kicin oo ka socda Baydhabo iyo jahwareer taagan (Aqri)

Baydhabo (Caasimadda Online) – Kulamo aan loo kala kicin ayaa Xalay ilaa iyo saakay ka socda Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay, kaasi oo ay leeyihiin qaar ka mid ah Musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xubnaha Gudigga Doorashada ee aan iscasilin ayaa iyaguna kulan ka wada Magaalada Baydhabo, waxaana ay sheegayaan in ay dhacayso waqtigii loogu tala galay Doorashada Madaxtinimada ee Maamulkaasi.

Guux iyo Jahwareer siyasaadeed ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo, iyadoona Cabsi badan laga qabo in ay dib u dhacdo Doorashada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha hada talada haya ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa isagana kulamo gooni gooni ah ka wada xarunta madaxtooyada ee Maamulkaasi.

Mashquul aad u fara badan ayaa laga dareemayaa xarunta Madaxtooyada ee maamulka Koofur Galbeed, waxaana lagu arkayaa qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo xubnaha ka tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed ee jooga Baydhabo, iyadoona xaalka uu u muuqdo mid alow sahal ah.

Waxa jira cadaadis xoog leh oo la saarayo guddoomiyaha baarlamaanka Koofurgalbeed C/qaadir Shiikhunaa Maye, iyadoona dhinac ka mid ah siyaasiyiinta ay doonayaan inuu dhamaystiro tirada guddiga doorashada, halka kuwo kalana ay ku cadaadinayaan in dib loo dhigo doorashada.

Sidoo kale Xubnaha qaar ee ka haray Gudigga doorashadda ayaa ka digay in rabshado ay ka dhacaan magaalada Baydhabo ee Gobalka bay.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay  ayaa Waxaa weli ka jira olole siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaasoo ay wadaan siyaasiyiinta ka soo jeeda Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com