Wararkii ugu dambeeyay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii adkaanaya xaaladda Siyaasadeed ee doorashada Koofur Galbeed waxii ka dambeeyay markii shalay odayaasha dhaqanka ay ku dhawaaqeen in dib u dhac uu ku yimid doorashada Koonfur Galbeed.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in wax walbaa oo ka dhaca Koonfur Galbeed ay  masuuliyadeeda qaadeyso dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay dhaqaalo badan ku bixineyso doorashada Koonfur Galbeed.

Waxaa socdo kulamo xal loogu raadinayo xiisadda doorashada Koonfur galbeed oo xumaatay waxii ka dambeeyay markii xubnaha ugu badan ee guddiga ay u dhawaaqeen doorashada.

Xubnaha ka haray guddiga doorashada ayaa u muuqda inay la safan yihiin dhanka dowladda, waxaana ay sheegeen inaan maalin lagu dari doonin waqtiga doorashada loo madalsanaa.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee loo jeedinayay eeda ugu badan ayaa ka jawaabay eedaha loo jeediyay, waxaana ay sheegeen  in magaalada Muqdisho ay u yimaadeen latashi ay la sameynayeen guddoomiyaha Baarlamaanka oo Koonfur Galbeed kasoo jeeda.

Xildhibaan Ilyaan Xasan Cali oo kamid ah xildhibaanada ku sugan magaalada Muqdisho lana kulmay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay iney dib ugu laaban doonaan Baydhabo doorashadana ay dhaceyso waqtiga loo balamay.

“Anagaa Xildhibaanada Koofur Galbeed ah, waxaana na casuumay guddoomiyaheena baarlamaanka, wada tashi ayaana u nimid guul fiican ayaana ka gaarnay, dibna ayaan u laaban doonaa”

“Guddoomiyaha baarlamaanka maadaama uu kasoo jeedo Koofur Galbeed isagaa na casuumay, doorashadana sidii loogu talo ayayna u dhaceysaa, Odayaasha dhaqanka meel ay doorasho kasoo galayaana malahan, waa Muhiim in la kala saaraa siyaasadda iyo dhaqanka, doorashadana maalin laguma darayo”ayuu yiri xildhibaan Ilyaas.

Waa wali taagan xiisadda siyaasadeed, lamana oga sida saacad walbaa ay wax isku badali karaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com