Sanad ka dib dilkii Qadaafi, aaway qoyskiisii ? (Sawirro iyo Warbixin ku saabsan noloshooda iminka.)

Sadex ka mid ah wiilashiisa waxaa lagu dilay kacdoonka. Waxaa kamid aha la taliyihii hore ee amniga qaranka Mu’tasim Qaddaafi, oo ku dhintay gacanta fallaagada isla maalintii aabihii la dilay 20-ka October 2011.

Xubanihii soo haray ee qooyska Qaddaafi waxaa soo wajahay marxalada kala gedisan tan iyo October 2011-kii.

Safiya Qaddaafi

Safiya Farqash, waxa ay dhashay toddoba ka mid ah siddedda caruur ee uu dhalay Qaddaafi. Mudda sanad ah, waxa ay hadda ku sugantahay wadanka Algeria halkasoo ay ku joogto qaxootinimo.

Maxamad Qaddaafi

Waa wilkii ugu weeynaa carruruta Qaddaafi. Waxaa uu ahaa madaxa guddiga Olympikada Libiya. Balse cayaarihii Olympikada London ee 2012 kama uusan qeyb galin. Taasi badalkeeda waxaa uu muddo sanad ah ku suganyahay wadanka Algeria.

Maxkamadda ICC wax dambiya ah kuma aysan soo oogin, waxaana la aaminsanyahay in uusan dadaal weyn u gelin daminta kacdoonkii rabshadaha watay ee sandkii hore lagu afgambiyay aabihii.

Saif al-Islam Qaddaafi

Saif al-Islam waxaa la qabtay bil ka dib dhimashada aabihii, waxaana tan iyo markaasi lagu haayey magaalada buuralayda ee Zintan.

Maxkamada dambiyada caalamiga ee ICC ayaa ku soo eedaysay dambiyo dhan ka ah bani’adanimada. Hasa ahaatee, mas’uuliyiinta Libya ayaa doonaya in Saif al-Islam gudaha dalka lagu maxkamadeeyo.

Saacadi Qaddaafi

Waa wiilkii shanaad ee Qaddaafi. Waxa la aaminsanyahay in uu u baxsaday wadanka Algeria bishii August ee sanadkii hore. Waxaa uu halkaasi la joogaa hooyadii Safiya Farqash iyo walaashii Caasha Qaddaafi.

Hannibal Qaddaafi

Waa wiilkii shanaad ee Qaddaafi. Waxa la aaminsanyahay in uu u baxsaday wadanka Algeria bishii August ee sanadkii hore. Waxaa uu halkaasi la joogaa hooyadii Safiya Farqash iyo walaashii Caasha Qaddaafi.

Caasha Qaddaafi

Waa gabadha kaliye ah ee uu dhalay Colonel Qaddaafi. Waxaa qaxootinimo looga aqbalay wadanka Algeria. Waxeey la jirtaa hooyadeed iyo walaalkeed. Waxay qabsatay qareen u dhashay dalka Israel si ay uga dacwoodda sida aabaheed loo dilay.

Hanaa Qaddaafi

Col. Gaddaafi waxa uu mar kasta ku doodi jiray in gabdhan uu soo korsaday lagu dilay weerar xaga cirka ah oo uu Mareeykanka geeystay sanadii 1986, iyadoo Hanaa markaasi jirtay 18 bilood.

Si kastaba ha ahaatee, waqtigii kacdoonka waxa jiray caddeeymo soo xoogeeysanayay oo muujinayo in Hanaa ay weli nooshahay, inakstoo aan hadda laga warami karin halka ay ku dambaysay.

Muuqaallo laga helay gurriga Qaddaafi kadib kacdoonkii sanadki hore, ayaa lagu arkay Hanaa oo aabaheed Qaddaafi la cayaareeyso sanado kadib duqeeyntaasi uu abaaheed ku dooday in ay ku dhimatay.

Ilo wareedyo laga helay warbaahinta gudaha ee Libya ayaa sheegayo in Hanaa ay tahay dhaqtar ka shaqeenaysay Tripoli mudda sanada ah.

Mussa Ibraahim

Waa afhayeenkii hore ee dawladii Qaddaafi. Waxaa jira warar sheegaya in 20-ka October, hal sana kadib dhimashadii Qaddaafi, lagu qabtay magaalo u dhaw Tripoli, sida uu sheegay xafiiska ra’isilwasaaraha Liibiya. Balse wararka qaar ayaa shaki ka muujinya arintaasi.

Dhowr jeer oo hore ayaa la sheegay in la xiray, balse markii dambe waa ay beenoowday.

Waxaa uu ahaa wejiga xukumadda Qaddaafi, waxaana uu aad uga muuqday warbaahinta caalamka.

Cabdallah al-Sanussi

Waxa uu ahaa madaxa sirdoonka xukumadii Qaddaafi. Waxaa lagu hayaa magaaalada Tripoli kadib markii laga soo tarxiilay dalka Mauritania bishii Sebtember 2012. Waxa uu ka baxsaday Libya kadib kacdoonkii sanadkii hore.

Bartamihii sanadkii 2011-ka, ayaa maxkamadda ICC-da u dirtay warqad xiritaan. Waxa uu ku eedeeysanyahay dambiya dhan ka ah aadanaha in uu ka gaystay magaalda Benghazi.

Musa Kusa

Waxa uu ka mid ahaa saraakiisha ugu awooda badnaa xukumadii Qaddaafi. Iyadoo hal bil un uu socda kacoodnka ayuu ku biiray kooxaha mucaaradka, kadibna waxa uu u dullay dalka Britain. Warbixin ay BBC soo saartay ayaa lagu sheegay in Musa Kusa uu ku lug lahaa garaacidda maxaabiista, oo shakhsi ahaan uu u cadibi jiray dadka ka soo hor jeeday xukunkii Qaddafi.