Sanator Naciima: Xildhibaan Aamina Maxamed waxaa la dilay maalintii ay rabtay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Naciima Ibraahim ayaa si adag uga hadashay qaraxyadii habeen hore gil-gilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo ay ku geeriyootay Xildhibaanad Aamina Maxamed.

Naciima ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeysay geerida Xildhibaanad Aamina, ayada oo Ilaahay uga bariday in calaamad deg deg ah oo aduunyada lagu arko kasoo bixiyo kuwii ka dambeeyay dilka Xildhibaanada.

“Runtii waa geeri xanuun badan oo ka wada naxnay. Dadkii ka xaq-darna ee sababay ha noqoto Siyaasi ama qolooyinkii kale Ilaahay ha kasoo saaro mucjiso deg deg, oo aan aragno, Ilaahay aduunka hanagu tuso,” ayey tiri.

“Ma aheyn maalinta dhibaatadu, maalinkii ay ayada ku dhici laheyd dhacday waa maalintii ay rabtay in dadka iyo dalkeeda wax u qabato, Ilaahay baa u qoray. Waxaa Ilaahay ka baryayna in kuwii sidaas u galay in Ilaahay mucjiso kasoo saaro.”

Dilka Xildhibaanad Aamina ayaa waxaa ka dhashay tuhuno badan, maadama ay si weyn ugu ololeyn jirtay cadaalad u helida Ikraan Tahliil oo aheyd Sarkaalad ka tirsan NISA, oo lagu tuhmana inay ku baxday gacanta hay’addii ay ka tirsaneyd.

Waxay noqotay geerida Aamina mid si weyn u taabatay quluubta shacabka Soomaaliyada, waxayna kamid noqotay afartameeyo ay galaafteen qaraxyadii gil-gilay magaalada Beledweyne.

Si kastaba, Qaraxyada iyo dilka Aamina waxaa sheegtay masuuliyadiisa kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada iyo qaraxyada ay ka fulinayso dalka, xili ay socdaan doorashooyinka.