16-ka kursi ee Garbaahareey aan wada boobno iyo kaligey aan boobo oo is mari la’a

Garbahaarey (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay sanad ka hor kasoo gudubtay hardan u dhaxeeyey madaxweyne Farmaajo oo rabay inuu doorashada kaligiis boobo iyo madaxda maamul goboleedyada oo rabay doorashada la wada boobo oo nin walba xoogaagiisa qaato.

Heshiiskii doorashada ee 17 September ayaan weli dhameystirmin. 16-ka kursi ee Garbahaarey taalla weli waa culeys taagan, in Garbahaarey laga takhaluso ayaa dagaal xooggan loogu jiraa waqtigaan, laakiin sababta dagaalka ee dhanka Axmed Madoobe ayaa madadaalo ah.

Dhinaca hoggaamiyaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam waxay ku doodayaan in kuraasta Garbahaarey la boobi rabo oo uu Farmaajo rabo inuu kuraasta u boobo xildhibaano uu isaga wato.

Haddii xataa taas aan si sax ah u qaadano waxaa nagu waajib ah inaan is waydiino muxuu Axmed Madoobe ka sameeyey Kismaayo, ayey leeyihiin dadweynuhu.

27-kii kursi ee Kismaayo la dhigay iyo 8-dii Senator ma furay Axmed Madoobe, ma lagu tartamay, tartan iska dhaafe xataa qabiilada maloo ogolaaday inay talo ku yeeshaan aayahooda.

Siyaasadda Soomaaliya waa hal weel oo cid walba ay arki karto ama ay ogaan karto waxa saaran, ayey ku doodayaan dadweynaha naqdinaya dooda ku saabsan in Axmed Madoobe wanaag ka damacsan yahay 16-ka kursi ee Garbaaharey.

Axmed Madoobe iyo kooxdiisa hadda uma doodi karaan caddaalad, daah furnaan doorasho kamana digi karaan boob doorasho, kaligood maahane dhammaan madaxda maamulada ayaan ka hadli karin hufnaan doorasho iyo xaqsoor siyaasi ah markii la eego wixii ay ku kaceen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, ayey leeyihiin dadka ka faallooda siyaasadda.

Sida muuqata, kiiskii Gedo wuxuu isku badalay loolan ku saabsan xagga boobka. Muddo dheer Farmaajo ayaa raadinayey inuu noqdo macalinka boobka, waxaase kula dhagay madaxda maamulada oo rabay in dhinacooda loo baneeyo si ay wax u boobaan.

Doorashadii dalka oo dhan ayaa la boobay marka laga reebo wax ka yar 10 kursi. Ceelwaaq waxaa lasoo warinayaa in Jubbaland oo kaashaneysa ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay wado diyaar garow ku aadan in kuraasta Garbahaarey taalla loo soo wareejiyo degmada Ceelwaaq.

Waxay rabaan inay buuxiyaan shuruuda laba deegaan doorasho iyo midda gobolka Gedo. Dadka waxa leeyihiin hadda doodu maahan armuu Farmaajo boobaa kuraasta gobolka Gedo taalla ee waa yaa boobi doona Axmed Madoobe iyo Farmaajo, ileyn sida muuqata kuraasta boob huri maayaane.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble isaga wuxuu jiraa dhanka Axmed Madoobe, doodiisa uma muuqato mid uu cadaalad u raadinayo ee waxaa muhiim u ah gunaanadka doorashada.

Khilaafka isaga iyo Farmaajo wuxuu keenay inuu helo dareen iyo xog hal dhinac ah oo ku saabsan 16-kaas kursi.

Jubbaland waxay diyaarineysaa inay qaadato go’aan qar iska tuurnimo ah oo ku saabsan 16-kaas kursi. Lama yaqaano sida ay noqon doonto falcelinta go’aanka laga qaadan doono 16-kaas kursi.

Cabsi weyn ayaa ka jirta inay saameyso guud ahaan doorashada, gaar ahaan shaqada guddiga doorashada ee heer federaal.

Maadaama uu markii ugu horeysay toos u buri doono heshiiskii 17-kii September, waxaana sidoo kale la aqoon nooca falcelinta Beesha Caalamka walow ay jiraan warar sheegaya in maalmahaan shaqo badan laga hayey dhanka wakiilada caalamka oo lagu qancinayey in kuraastaas goob kale lagu qabto.

Doorashada Soomaaliya hadda waa gunaanad, waxaase muuqata cabsi ku saabsan bar-dhammaadka mashruucii aan wada boobno doorashada.