Xildhibaan xog ka bixiyey ‘qorshaha’ dilka xildhibaan Aamina

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sakariye Gaashaan oo ka hadlay qaraxii lagu dilay Xildhibaanad Aamino Maxamed, ayaa sheegay in dilkeeda ku tuhmayaan “inuu yahay mid siyaasadeed oo lagu fuliyay gacmaha argagixisada”.

Waxa uu sheegay in Aamino ay astaan u aheyd cadaalada, islamarkaana ay xaq u leedahay inay cadaalad hesho oo kiiskeeda si xaqiiqo ah loo baaro, lana hor keeno cadaalada kuwii soo maleegay.

“Waxaa Ilaahay uga baryaya Xildhibaanada in dambigeeda uu dhaafo oo qabrigeeda u hagaajiyo. Ehelka, qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed waxaa leeyahay samir iyo iimaan Allaha ka siiyo,” ayuu yiri.

“Waxaa tuhmaneyna in dilkeeda uu yahay mid siyaasadeed oo lagu fuliyay gacmaha khawaarijta. Waxay xaq u leedahay inay cadaalada hesho oo umadda Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta waa inay wada raadiyaan cadaaladeeda. Inta ay qaadataba marbay cadaalada hor imaan doonaan dadka soo maleegay (shirqoolkaas).”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dilka Xildhibaan Aamino uu xiriir la leeyahay kiiskii Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaalad ka tirsaneyd NISA, oo lagu tuhunsan yahay inay ku baxday gacantooda.

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay Xildhibaanada cusub ee dooran inay qeyb ka noqdaan isbedelka, islamarkaana ay doortan dadka cadaalada u taagan ee difaacaya, ayna si wanaagsan uga faa’iideystan fursada qaaliga ah ay haystaan.

Ma aha markii u horeysay ee dilka Xildhibaan Aamino lala xiriiriyo xubno lagu tuhunsan yahay maqnaashaha Ikraan, waxayna sidan oo kale siyaasiyiin badan iyo shacab ay ku eedeeyeen Villa Somalia inay ka dambeysay dilka xildhibaan Aamina oo aheyd gabar aad ugu ololeysay inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil.

Hase yeeshe, qaraxa lagu dilay Aamino waxaa sheegtay masuuliyadiisa kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada iyo qaraxyada ay ka fulinayso dalka, xili ay socdaan doorashooyinka.