Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Dir, Digil iyo Mirifle

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Dir, Digil iyo Mirifle ayaa looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaasi oo dhawaan isugu imaan doonaan siyaasiyiinta iyo waxgaradkooda.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirkaas oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in labada beel aan looga maarmin hogaaminta dalka, isaga oo ka dalbaday xildhibaanada labada beelood ee dooran inay qaatan talada kasoo baxda shirweynaha.

“Waxaa aragnay in aan nagala maarmin in aan hogaamin tallada dalka, shalay hada bixin jirnay oo beelaha walaalaha aan nahay siin jirnay, waxaanu leenahay na-siiya codkiina waa idinka rabna oo idinka dalbaneyna,” ayuu yiri.

Sidoo kale qaar kamid ah Odayaasha labada beelood oo ka hadlay madasha ayaa waxay sheegen in haddii ay dantooda garteen labada beelood ay xaq u leeyihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, islamarkaana ay xildhibaanada is aqoonsadaan awoodooda.

Ugu dambeyntiina waxaa kulanka Odayaasha, dhaqanka iyo waxgaradka ee labada beelood laga soo saaray war-saxaafadeed, kaasi oo lagu sheegay in lagama maarman uu yahay shirweyne ay iskugu imaadan Dir, Digil iyo Mirifle.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in guddiga qaban-qaabada shirweynaha ay soo go’aaminayaan waqtiga iyo goobta uu ka dhacayo shirweynahaas.

Waxay ugu baaqeen Beelaha Soomaaliyeed inay qabtaan shirweyne nabadeed oo loo jiheynayo halka ay ku jirto danta umadda Soomaaliyeed, iyo in shirkooda uusan aheyn mid lagu wajahayo qolo gaar ah.

Shirweynaha Dir, Digil iyo Mirifle ayaa lagu martiqaaday beelaha Shanaad iyo beelaha ay dan-wadaagta yihiin, waxaana looga hadli doona danaha labada beelood, sida ugu dambeyntiina lagu sheegay war-saxaafadeedka laga soo saaray kulanka.