Xildhibaanada kuraasta loo xulay oo tiiraanyo iyo welwel ka muujiyay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib dilkii xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi, waxaa soo baxay cabsi iyo shaki ay muujiyeen xildhibaanada baarlamaanka 11-aad ee muxaafidka iyo kuwa mucaaradka intaba.

Dilka qaraxa ee lala beegsaday xildhibaanad Aamina wuxuu ugu dhigay yahay xildhibaanada kuraasta loo xiray ee soo baxay fariin cad oo ujeedada looga gacan siiyay imaashaha baarlamaanka tahay lagama baxaan sababtii loo soo xushay inay tahay mid aan isbadal laga keeni karin.

Arrintaasi darteed ayaa waxay welwel iyo tiiraanyo hor leh ku abuurtay xildhibaanada kuraasta loo soo xulay, taasi oo hor istaageysa aragtidiisa siyaasadeed uu ugu biiri karo xisbi kale ama inuusan u codeyn karin murashax kale oo aan ka aheyn kii soo xushay.

Mid ka mid ah xildhibaanada ay soo saartay Villa Somalia oo Caasimada Online u waramay oo ka gaabsaday magaciisa in la shaaciyo sababo amni awgeed ayaa sheegay in walaac horleh uu soo wajahay dhamaan xildhibaanada kusoo baxay awooda madaxtooyada iyo kuwa maamul goboleedyada qaar.

Wuxuu mudanahaasi intaa raaciyay in sababta walaaca xoojisay ay tahay saraakiil horay ugu tirsanaa hay’adda NISA ee loo soo xulay ka mid noqoshada baarlamaanka 11-aad inay tahay caqabad horleh oo lagu kontoroolaayo dhaq dhaqaaqa mudanayaasha iyo shirarkooda.

Ugu danbeyntii, baarlamaanka 11-aad ee Somalia waxaa ku jira saraakiil ka tirsan hay’adda NISA, kuwaasi oo ujeedadii loo soo geliyay tahay inay kontoroolaan dhaqdhaqaaqa iyo shirarka xildhibaanada iyo baarlamaankaba.