C/llaahi Sanbaloolshe iyo Nuur Iidow Beyle oo isku soo haray wareega labaad ee doorashada kursiga Xildhibaannimo

Jowhar-(Caasimadda Online)-Xildhibaan Cabdullahi Maxmaed Cali Sanbaloolshe ayaa ku guuleystay doorasho maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Doorashada Kursiga Beesha oo ay ku tartamayeen Lix Musharrax ayaa waxaa si dirqi ah ugu guuleystay Cabdullahi Maxamed Cali Sanbalooshe oo helay 24 Cod,halka Xildhibaanka ku soo xigay oo ah Nuur Iidow Beyle uu helay 23 Cod.

Wareegii koowaad ee Doorashada ayaa hadda soo gaba gaboobay,waxana isugu soo haray Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo helay 24 Cod iyo Nuur Iidoow Beyle oo helay 23 Cod 3 Cod weey halaabeen halka 1 Cod uu helay Cali Cabdullaahi Cosoble.

Waxaa tartanka Wajigiisa Koowaad ku haray Musharixiinta

1:-Xuseen Axmed Geelle

2:- Dahabo Xasan Axmed

3:-Dahir Cabdulle Cawaale

4:-Cali Cabdullaahi Cosoble

Gudiga doorashooyinka ayaa shaaciyay in goordhow ay ku dhawaaqi doonaan natiijada Rasmiga ah ee doorashadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com