Doorashada kursi kamid ah Golaha shacabka oo ka bilaabatay Jowhar

Magaalada Jowhar ayaa maanta waxaa ka bilowday doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka laga helay Goobta Doorashada ayaa sheegaya in kursigaan ay ku tartamaayaan xubno si weyn looga yaqaano Soomaaliya, kuwaasi oo ah Lix Musharax, iyagoo iska diiwaan geliyay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka,waxyna  buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa sida ay sheegeen Guddiga doorashooyinka madaxa banaan.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka madaxa banaan Xaliima Yarey oo ka hadashay doorashada ayaa akhrisay magacyada Musharaxiinta 6-da ee ku tartamaya Kursigan, waxaana ay ka mahad celisay kaalinta uu Maamulka Hirshabeelle ka qaatay fududeynta howsha.

51 Ergo ee soo dooraneysa kursigaan ka banaan Golaha Shacabka ayaa hadda ku howlan soo doorashada shaqsigii ayaga ku matali laha Golaha Shacabka.

Magacyada Musharaxiinta tartameysa ayaa waxay kala yihiin:-

1- C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

2- Cali C/llaahi Cosoble

3- Dahir Cabdulle Cawaale

4- Nuur Iidow Beyle

5- Dahabo Xasan Axmed

6- Xuseen Axmed Geelle

Kursigan lagu tartamo ayaa doorashadiisa uu horey ugu guuleystay Taliyihii hore Hey’adda Nabad Suggida Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, kaddib markii loo magacaabay taliyaha hey’adda Nabad-sugida Qaranka.