Sanbaloolshe oo shaaciyey ‘arrin uu XASAN SHEEKH ka diiday’ FAHAD YAASIIN

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli faah faahino dheeraad ah laga helayaa kulan saacado badan qaatay oo xalay magaalada Muqdisho ku dhex-maray Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka warbixiyey taliyihii hore nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo xubin ka ah xisbiga UPD, kadib wareysi uu siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

Sanbaloolshe ayaa marka hore sheegay in kulanka uu ka dambeeyey codsi ka yimid taliyaha NISA, kadibna uu aqbalay Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna tilmaamay inuu ahaa booqasho sharafeed iyo salaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey in Fahad Yaasiin uu isku dayey inuu Xasan Sheekh kala hadlo arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, balse laga diiday arrintaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu Madaxweyne Xasan u sheegay in NISA looga baahan yahay inay faraha kala baxdo arrimaha siyaasadda, ayna gudato waajibaadka ka saaran amniga dalka.

“Dadka Soomaaliyeed waxaa u caddeynayaa anigoo ku hadlaya magaca Xisbiga UPD in aan la isku qaadin arrimo la xiriira Ra’iisul Wasaare, haddii la isku soo qaaday aan laga hoos-qaadin Taliyaha Nabadsugida, farriinta Madaxweynaha wuxuu ahaa yaa dalka qalqal la gelin, doorashada si nabad haloo qabto, Nabadsugida siyaasadda faraha hakala baxaan wixii hadda ka dambeeya.” ayuu yiri Sanbaloolshe oo ka tirsan xisbiga UPD.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli uu dalka haatan ku jiro marxalad kala guur ah oo doorasho la’isku diyaarinayo, kadib markii shirkii Dhuusamareeb lagu shaaciyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso, taas oo ay soo dhoweeyeen xisbiyada mucaaradka dalka.