Sababta uu Axmed Madobe u magacaabi la’yahay golaha wasiirada muddo sanad ah

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Kismaayo ( Caasimadda Online) – Sanad ayaa laga joogaa markii Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu ku soo baxay doorasho madaxtinnimo oo ka dhacday Kismaayo, taasoo habka loo maray iyo natiijadeedaba ay muran badan dhaliyeen.

Waxaa isla markiiba qaadacay doorashadaasi dowladda Federaalka iyo siyaasiyiin la baxay isbedel doonka Jubbaland.

Doorashadaasi muranka dhalisay ayaa aad u wiiqday xiriirka ka dhexeeyay Kismaayo iyo Muqdisho, waxaana ay horseeday in wasiirka amniga ee Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ay dowladda Federaalka ku xirto caasimadda iyadoo u haysata tacaddiyo ka dhan ah aadanaha, inkastoo uu markii dambe ka soo baxsaday halkii lagu hayay.

Dowladda Federaalka ayaa ciidamo badan geysay degmooyinka gobolka Gedo, waxaana marka laga reebo degmada Ceel waaq ay inta kale kala wareegtay maamulladii taabacsanaa Jubbaland-ta uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Hadaba sanad kadib maxay tahay sababta uu Madaxweyne Axmed Madoobe u soo dhisi la’ yahay golihiisa wasiirrada?

Sida uu qabo dastuurka maamulka Jubbaland, madaxweynuhu waa inuu golahiisa wasiirrada ku magacaabo muddo 90 maalmood gudahood ah, waxaa se loo oggol yahay inuu baarlamaanka ka codsado muddo kordhin ku aaddan xilliga uu soo dhisayo golahaasi.

Madaxweyne Axmed Modoobe ayaa saddex goor ka codsaday baarlamaanka Jubbaland inuu u kordhiyo waqtiga uu kusoo magacaabayo golaha wasiirrada, oo tii ugu dambeysanna ay ahayd bishii June. Baarlamaanka ayaa dhammaan codsiyadaasi aqbalay.

Maamulka Jubbaland ayaan si rasmi ah u sharrixin sababta keentay dib u dhaca, waxaana noo suurageli waayay xiriiro telefoonka ah oo aan la sameynay mas’uuliyiin kale duwan oo ka tirsan maamulka hadda jira, si aan wax uga weydiino arintan.

Adan Aw Xirsi oo laba jeer soo galay golaha wasiirrada Jubbaland, marna ahaa gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa BBC Somali u sheegay in sababo kale duwan oo isku dhexjira ay dhici karto inay dib u dhigeen soo magacaabidda golaha wasiirrada maamulkaasi.

“Sababta ugu weyn waxay tahay in doorashadii uu muranka ka dhacay ayaa keentay in gobolladii ay dowlad goboleedka [Jubbaland] ka koobneyd ay kala go’aan oo Gedo gacanta ka baxdo, Jubbada dhexe awalba waxa haystay Al-Shabaab, marka waxaa yaraaday dhulkii laga oggolaa maamulka dhismay,” ayuu yiri Aw Xirsi.

Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf oo ka faallooda arimaha, siyaasadda, ammaanka iyo Islaamiyiinta ee Soomaaliya ayaa isna qaba in khilaafka u dhexeeya Jubbaland iyo Federaalka uu yahay caqabada ugu weyn ee hortaagan magacaabista golaha wasiirrada cusub.

“Khilaafka u dhexeeya Federaalka iyo Jubbaland oo meel adag taagnaa August 2019 ilaa June 2020 ayaa la oran karaa waa sababta ugu weyn ee uu Madaxweyne Axmed Madoobe u soo dhisi waayay golaha wasiiradda cusub. Arinta gobolka Gedo oo aan heshiis laga gaarin ayaa iyadana ah mid kale oo dib u dhigtay in la helo gole wasiirro oo loo dhan yahay. Madaxweyne Axmed waxa uu khibrad wanaagsan ka heystaa khilaafkii dhexmaray isaga iyo dowladdii uu hogaaminayay Xasan Sheekh oo markii ay heshiiska gaareen August 2013 ayuu soo dhisay gole wasiirro oo loo dhan yahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Dagaal xooggan oo ciidamada Federaalka iyo kuwo Jubbaland ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan ku dhexmaray magaalada Beled Xaawo horraantii sanadkan ayaa dhaliyay barakac iyo khasaaro hantiyeed.

Ciidamada Janan ayaa weli ku sugan meel aan sidaa uga fogeyn Beled Xaawo, mana jirto wax xabbad joojin ah oo laga gaaray colaaddaasi.

Heshiiskii Nairobi

Bishii April 2020, kadib wadahadallo muddo socday oo magaalada Nairobi ku dhexmaray Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta kursiga ku haystay ee kala ah Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Daahir Axmed Sheekh ayaa waxa ay ku kala saxiixdeen heshiis nuxurkiisu ahaa in Axmed ay u aqoonsansadeen madaxweynaha Jubbaland iyo sameynta xukuumad wadaag ah.

Adan Aw Xirsi ayaa rumaysan in heshiiskaasi uu qeyb ka yahay caqabadaha horyaalla soo magacaabidda golaha wasiirrada ee Jubbaland.

“Nimankii iyaguna odayaasha ahaa ee odayga [Madaxweyne Axmed Madoobe] la geli jiray heshiiska markii hore intay madaxweynayaasha la sheegtaan, oo marka saami qeybsiga beeleed la fiiriyo odayga la beel ah, ayaa waxa uu u quuro iyo waxa ay rabaan aanay isdabooleyn,” ayuu yiri Aw Xirsi

Xiriirka Jubbaland iyo Federaalka

Bartamihii June 2020, dowladda Federaalka ayaa Axmed Madoobe u aqoonsatay madaxweyne kumeelgaar ah oo laba sano haynaya xukunka, arintaasi oo ay ku gacan sayrtay Jubbaland.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa intuu socday shirkii Dhuusamareeb 2 waxay yeesheen kulamo looga arinsanayo khilaafka dhexyaalla, walow aan si rasmi ah loo shaacin waxa ay isla meel dhigeen.

Hadda se waxay u muuqataa in labada dhinac ay sii kale fogaadeen kadib markii uu maamulka Jubbaland ka baaqsaday shirkii Dhuusamareeb 3, sheegayna in wax metalaad ah aanu ku lahayn go’aannada ka soo baxay.