Nin 100 jir ku dhowaa oo lagu dilay Warsheekh iyo sababta

Warsheekh (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay aano qabiil degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe loogu dilay Nuur Macoow Sireey oo kamid ahaa dadka degaanka Maaxaay ee degmada Warsheekh, kuna dhowaa da’da 100 jirka.

Marxuumkaan oo da’diisa lagu sheegay 97 sano jir ayaa loogu galay guri uu beer ku dhax lahaa, kaas oo ku yaalla degmada Warsheekh, waxaana qeybaha sare ee jirka looga dhuftay dhowr xabo oo rasaas ah.

Maamulka degmada Warsheekh ayaa Caasimada Online u sheegay in falkaan uu salka ku haayo aano qabiil islamarkaana aysan awoodin in ay wax ka qabtaan maadaama lagu guul dareestay in la xaliyo.

“Waa nasiib darro weyn waana ka xunahay wixii dhacay xalay, waxaana odayaasha degmada ugu baaqeynaa in si deg deg ah wax looga qabto falkaan,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka amniga ee degmada Warsheekh Mr Jookaay oo la hadlay Caasimada Online.

Falkaan ayaa daba joogay dilal kale oo sidaan oo kale degmada uga dhacay kuwaas oo aan xal laga gaarin ilaa hadda waxaana dhicisoobay dedaalo badan oo la sameeyay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa in uu safar dhulka ah ku gaaro degmada Warsheekh gobalka Shabeelada Dhexe, sida ay noo sheegeen mas’uuliyiinta a,maanka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah mid loogu kuur galayo xaaladda degmada inkastoo la sheegay in uusan booqan doonin qoyska ama qaraabada marxuumka la dilay. Sidoo kale lama filayo in waxbadan uu ka dhaho arrimahaan salka ku haayo aanooyinka qabiilka ee ka socda xaafado ka tirsan degmada Warsheekh.