TURKIGA oo sameynaya dhoolla-tus militari xilli ay kasii dartay xiisadda Greece

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ku howlan sameynta dhoolla-tus millateri, kadib markii ay dhawaan shaacisay in Badda (Mediterranean Sea) ay ka heshay Saliid iyo Gaas dabiici ah oo ay ka faa’iideysaneyso wax soo saarkiisa..

Dhoolla-tuskaasi ayaa kasii dari kara xiisada Turkiga kala dhaxeysa Giriiga, midaasi oo salka ku haysa xudduuda labada dhinaca, oo ay yihiin xad biyo wadaag ah.

Waxaana isasoo taraya bandhigga hubka iyo maraakiibta casriga ah oo ay kala leeyihiin xukuumadaha Turkiga iyo Giriiga, taasi oo gaartay meeshii u sareysay, iyada oo dhinac walba uu doonayo inuu is muujiyo isaga oo liidaya dhanka kale.

Xukuumaddaha Turkiga iyo Giriiga ayaa labaduba wacad ku maray inay dhoola-tus millateri ay ka sameyn doonaan maanta Jasiiradda Crete, taasi oo dab kusii qabaneysa xiisada labada dhinac oo laga cabsi qabo inay horseedo dagaal hor leh.

Xiisada labada dowladooda ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii uu dhawaan Turkigu sheegay in Badda Mediterranean ay ka heshay Saliid iyo Gaas dabiici ah, isla markaana ay sii wadi doonaan baaritaanka saliidda ee uu ka wado baddaasi.

Tallaabadaasi uu qaaday Turkigu ayaa waxa si weyn uga carooday Giriiga oo u arka in howl-galada baaritaan ee Ankara ay wado yihiin kuwo sharci darro ah.

Muranka labada dhinac ayaa kasii daraya, xili uu dhinac walba uu wacad ku marayo inuu dhoola-tus millater ka sameyn doono baddaasi oo uu ku muujinayo awoodiisa, midaasi oo dhalin karta in ciidamada labada dowladood ee ka wada tirsan gaashan buurta NATO uu dhexmaro iska hor-imaad aan la mahdin.