Sanbaloolshe oo sheegay in mid kaliya ay ku dhici karto in Al-Shabaab ay dileen Ikraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ka hadlay warkii xalay kasoo baxay Hay’adda NISA ee ay ku shaacisay in Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda ay u gacan gashay Al-Shabaab, kadibna la dilay.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in lagu kalsoonaan karin qoraalka kooban ee lagu shaaciyey dilka Ikraan, wuxuuna sheegay in Al-Shabaab ay dishay Ikraan, haddii NISA ay tahay Al-Shabaab, balse aysan si kale taas ku dhici karin.

“Gabadha xayndaabka hay’adda ayey ku jirtay, qof ay ku kalsoon tahay ayey u baxday, haddii hay’adda ay Al-Shabaab tahay ma ogi, laakiin weligeed ma dhicin haddana ma dhici doonto qof xayndaabkaas ku jira in Al-Shabaab afduubtaan,” ayuu yiri.

“Sida lagu yaqaanay Al-Shabaab wey ugaadhsan jireen dadka dowladda u shaqeeya ama saraakiisha hay’adda, abidkeedna ma dhicin qof Nabad-Sugid ah oo Shabaab afduubeen, laakiin boqolaal ay digeen oo gawaaridooda qaraxyo ku xireen waa jiraan.”

Taliyihii hore ee hay’adda NISA ayaa sidoo kale waxa uu shaki badan ka muujiyey in hay’adda ay dishay gabadhaas, ama’se uu jiro xiriir ka dhaxeeya saraakiisha NISA iyo Al-Shabaab.

“Sideedaba in Shabaab ku lug leeyihiin qofka sheega, xaguu ku dilay, goorma ayey dileen, ayaga ma sheegan meel ay soo dhigeen majiro, ma anagaa Shabaab ah? oo Shabaab afhayeen u ah, arrintaan mugdi badan ayaa ku hareysan.”

Tan iyo markii ay hay’adda NISA shaacisay dilka Ikraan Tahliil, kadib markii ay u gacan gashay kooxda Al-Shabaab, ayaa waxa isa-soo taraya shakiga laga qabo sax ahaanshaha arrintaas.